Saturday, July 5, 2014

'Jacaylkii Barashada Ka Soo Dheereeyey': Mataano Isku Dhegsan oo Isu-diyaarinaya Aqal-gal

Kolkata, 05 July, 2014 (Himilo)- Kadib muddo dheer oo ay kali-nool ahaayeen oo dariiqyada ka dawarsada, labadan hablood ee Mataanaha ah oo Isku dhegsan laguna kala magacaabo  Ganga iyo Jamuna Mondal, ayaa 0aakhirkii la kulmay ninkii ay nolosha la wadaagi lahaayeen, maadama oo ay isku-dheggan yihiin Abuurta Alle darteed.

mataano2Mataanahan oo xilligan 45 sanno jir ahi, loogana yaqaan waddankooda ‘Mataanihii Muuqaalka Caarada lahaa' oo gashaantimo ah, isla markaana intii ay noolaayeen  in badana lagu faquuqi jiray Abuurka ILAAHAY iyo muuqaalkooda, ayaa immika aroos isu diyaarinaya.

Waxay sheegeen inay tahay markii ugu farxada badnayd noloshooda fursadan ay ku heleen Jasimuddin Ahmad oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyada dawladda.

'Waa jacayl aragtidii koobaad ka abuurmay,' ayay tidhi Ganga, oo afar gacmood iyo saddex lugood la wadaagta walaasheed Jamuna.

'Markii aanu la kulanay  Jasimuddin, labadayaduba waxaanu dareenay in ninkani yahay mid si dhab ah noo jecel. waanu na tusay taas - Wuxuu noo hayaa jacayl qalbigiisa ka soo go'ay.'

Jamuna ayaa iyaduna tidhi: “Farxad uun bay noo ahayd tan iyo markii uu noloshadayada ku soo biiray. Dhib ayaa na haysatay markii hore, laakiin hadda wixii ka dambeeya noloshaas adag ma rabno. Waxaanu runtii rajaynaynaa inaanu noloshayada inta ka dhiman isaga la qaadano”.

Mataanahan, oo wadaaga Calool kaliya laakiin mid kastaa ay leedahay wadne, laba kalyood iyo beer, waxa ay ka dhasheen qoys dan yar ah oo ku nool tuulo u dhow magaalada Kolkata ee Gobolka galbeedka Hindiya ee Bengal.

Ninka aroosaya ee Axmed waa ah 36 jir, ku shaqaysta Ingineer dhinaca farsamada qalabka jabaqda ah.

Himilomedia.com                                        

Hargeysa-Somaliland                                 

 

No comments:

Post a Comment