Qeybaha gargaarka degdega ee cusbitaalada ayaa sidoo kale la sheegay inay ku soo badanayaan dad ka cabanaya kelyo-xanuun, sababo la xidhiidha fuuqbax, ama sumowga-cunto, sababteedu tahay cunto aan si wanaagsan loo Karin, sida cusbitaalka Burjeel ee magaalada Abu Dhabi sheegay.Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dadka imanaya cusbitaalku laban-laabmeen ee ka cabanaya xanuunada. “waxa na soo gaadha dad badan oo ka cabanaya xanuuno caloosha ah, sababo la xidhiidha qaadashada cunto-xad-dhaaf ah xilliga afurka,” ayuu sheegay Dr. Biniam Tesfayohannes, madaxa qeybta gargaarka degdega ah ee cusbitaalka Mafraq ee Abu Dhabi.
“dadka qaar waxay ii sheegeen inaanay si wanaagsan u afurin, oo ama cunto fudud qaataan ama mid xad-dhaaf ah. Dadka cuntada xad-dhaafka qaata, saacad ama laba ka dib waxa kahaleela xanuun caloosha,” ayuu Dr Tesfayohannes sheegay.
Qaadashada cunto xad-dhaaf ah xilliga afurada ayuu sheegay inay tahay mushkilad sannad walba ay la kulmaan Dr Magdi Mohamed, oo qeybta gargaarka degdeg ee cusbitaalka Burjeel jooga.
“ha ku degdegina qaadashada cunto-xad-dhaaf ah,” ayuu ku taliyey Dr. Maxamed. “Si yar u kordhi cunto qaadashadaada, sidoo kalena xilliyada suxuurta ku dedaal qaadashada cunto fudud.”
Dr Salwan Ibrahim, khabiir ka shaqeeya shirkad ku takhasustay dhinaca caafimaadka Barriga Dhexe ayaa sheegay in qododbo fudud loo baahan yahay inay muslimiintu raacaan si xaaladooda caafimaad u wanaagsanaato.
“Taa macnaheedu waa si aanad u fuuq-bixin, qaado cunto wanaagsan, isla markaana nasasho fiican.”
Xilliga afurada, waxa muhiim ah in layska ilaaliyo qaadashada cuntooyin sonkorta ama baruurtu ku badan tahay, taasoo khalkhalin karta wareega dhiiga, oo dhalin kara dawakhaad, madax-xanuun iyo caajis.
Dr Ibrahim ayaa ku taliyey in xilliga afurada la qaato xoogaa timir ah, biyo iyo ciir, toban daqiiqadood ka dibna cuntada kale ee macdanahu ku badan yihiin la isticmaalo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment