Tuesday, July 8, 2014

“Cid reer Somaliland ah oo cid loo dhiibay ma jirtee, baadhis baa socota…”

Hargeysa, 08 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in aanay jirin muwaadiniin u dhalatay Somaliland oo loo gacan-geliyey waddamo shisheeye, balse ay socdaan baadhitaanno la xidhiidha falal amni-darro oo sababay in la hakiyo isu-socodka gaadiidka xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Muwaadiniin u dhalatay Somaliland oo lala xidhiidhiyey inay qayb ka ahaayeen weerar ismiidaamin ah oo dabayaaqada bishii shanaad laga fuliyey gudaha dalka Jabuuti, ayaa xukuumadda Somaliland u gacan-gelisay dawladda  Jabuuti, kuwaas oo qaarkood lagaga qab-qabtay meherado ay ka shaqaynayeen oo ku yaala caasimadda.

cali-waran-caddeHaseyeeshee, wasiirka Daakhiliga Somaliland iyo masuuliyiinta ammaanka dalka qarkood oo dhowaan socdaal ku tagay Jabuuti, waxa uu sheegay inaanay jirin muwaadiniin loo gacan-geliyey cid kale, in kasta oo ehelllada qaar ka mid ah dadka loo gudbiyey Jabuuti ay xukuumadda ku dhaliileen go’aanka ay dadkaas ugu gacan gelisay Jabuuti. Balse, waxa uu wasiirku iftiimiyey jiritaanka baadhitaanno ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Jabuuti oo ku socda muwaadiniin u dhalatay labada waddan.

“Cid reer Somaliland ah oo cid loo dhiibay ma jirtee baadhis baa socota baadhistaasi markay dhammaatana cid wal oo ama Somaliland ama Jibouti ah waxa lagu qaadayaa dambiga uu galay,” sidaa waxa yidhi Wasiir Waran-cadde oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Wasiir Waran-cadde waxa uu faahfaahiyey natiijada socdaal uu ku tagay dalka Jabuuti oo ay ku wehelinayeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Sirdoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen madaxweynaha Jabuuti iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.

“Waxaanu Jabuuti u tagnay inaanu ka soo wada-hadalno dhibaatooyinkii Barigii dhawayd ka dhacay Jabuuti, waxay keeneen waxyaabo badan oo isu-socodkii dadweynaha labada dal saameeyey.Waxaanu la kulannay madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirro kale, waxaananu ku heshiinay in la fududeeyo isu-socodka labada dalba, wixii ka dhiman ee xagga nabad-gelyada ahna dawladda Jabuuti dhammeystirto,” ayuu yidhi Md Waran-cadde.

Wasiirku waxa uu sheegay inay is-afgarad ka gaadheen Dawladda Jabuuti la furo isu-socodka gaadiidka laba dal isla markaana la xoojiyo ammaanka soohdinta. “Waxaan uga mahad-celinayaa Madaxweynaha iyo madaxda kale ee Jabuuti sida ay noola qaateen ee aanu isula fahamnay in dadka intii dhibaatadooda la yarayn karo la yareeyo oo aanu isla qaadannay. Shalayna (Dorraad) baabuurtii waa la soo daayey, koontiinarro fara-badan oo ilaa laba boqol gaadhaya oo xannibnaa ilaa shalay waa la gurayey, wixii ka dambeeyana sidaasaa loo wadayaa, iyada oo aanay meesha ka baxayn in qaran waliba nabad-gelyadiisa ilaashado, waayo dawladaha labada dalba masuuliyad baa ka saaran inay ilaaliyaan ammaanka shacabkooda,” ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

Himilomedia.com                                

Hargeysa-Somaliland               

No comments:

Post a Comment