Tuesday, July 8, 2014

Hoggaanka Shirkadda Bollare iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Ku Kulmay Qasriga Madaxtooyada

Hargeysa:July,08,2014(Himilo)(ramaas)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafti heer sare oo ka socday shirkadda Bollare oo arrimaha Horumarinta Dekedaha ka shaqaysa.

yoeKulankan oo ahaa mid saxaafadu ay dibad -oog ka ahayd ayaa ka dib markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey wax yaabaha ay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo tilmaamay inay ka wada Hadleen Hawlahah shirkaddani dekedda Berber aka waddo,

“Maanta waxaanu halkan aanu ku soo dhawaynay shikada la yidhaahdo Bolore ee dakada Barbera nagala shaqaynaayey,sida aad ula socotaana shirkadani dhawr goor ayaa ay halkan noogu timi,waana shirkadaha caalamka ugu wayn xaga Dakadaha,waxaana ay ka yimaadeer Itoobiya oo ay la soo kulmeen raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ah meesha aynu doonayno in aynu ka iibino alaabta hadii ay Dakadeenu ay shaqayso ama ay dhamaato,waxaanu hada ka wada hadalnay sidii aanu hore ugu sii wadi lahayn shaqadii sanad dhaw dhaw ayaa ay hadak a shaqeeyeen horena waa ay noola shaqeeyeen markaa maanta intaas ayaa ay u socdeen in ay Madaxweynaha ay ogaysiiyaan". Ayuu yidhi wasiir Maxamed Biixi.

Madaxweynaha Shirkadaasi Mr Dominique Lafont oo isna halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in ay ka shirkad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay noqdaan shirkada ka shaqaynaysa horumarinta dakada Magaalada barbera si ay u noqoto dakad hogaamin karta geeska afrika,waxaana uu sida oo kale uu tibaaxay in ay hadda u yimaadeen in ay madaxweynaha ogasysiiyaan in ay bilaabayaan hawsha horumarinta dakada Magaalada Barbera.

Shirkaddan ayey  xukuumadda madaxweyne Siilanyo siisay qandaraaska horumrinta Dekkeda Berbera oo dib u habayn lagu samayn doono, waxana warkoodu tilmaamay inay shaqadooda Bilaabi doonaan.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment