Sunday, July 6, 2014

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo Ka Gadooday Mushahar-la’aan muddooyin bilo ah haysata

Garoowe, 06 July, 2014 (Himilo)- Cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee ku jira xerada ciidanka 54-aad oo ku taala duleedka magaalada Garowe, ayaa shalay subax sameeyey Mudahraad ay ku dalbanayaan in si deg deg ah loo siiyo mushaharoodkooda oo ka maqan dhowr bilood.

cutubyoCiidanka oo todobaaddo ka horna sidan oo kale dareenkooda ugu muujiyey bannaan-bax cabasho ah, ayaa mar kale shalay ka gadooday xaquuqda ciidan ee ay maamulka Cabdiwali Gaas ku leeyihiin waxayna ku hanjabeen haddii la bixin waayo mushaharkooda inay sii xoojin doonaan tabashooyinkooda oo haddii laga jawaabi waayo ay ballan-qaadeen inay ku kacayaan tallaabo kasta ay xuquuqdooda ku heli karaan.

Bannaanbaxan oo ay ka dhigeen kedinka hore ee xeradda 54-aad oo taala buuro dhinaca galbeed ka saaran magaalada, waxaana gadoodkooda dheeraa taayirro ay ku gubayeen, iyaga oo ku dhawaaqayey weedho ay ku diiddan yihiin ballan-qaadyo madaxda sare ee ciidanka u soo jeediyeen.

Qaar ka mid ah Askartan oo la hadlay warbaahinta ayaa madaxda Maamulkaas Puntland ugu baaqay inay bixiyaan mushaharkooda isla markasna ay ilaaliyaan xaquuqda ciidan maadama ay yihiin difaaca dhulkooda.

Arrintan ayaa kusoo beegmay xilli maamulka uu madaxda ka yahya Cabdiweli Gaas ay ku jahwareersan tahay sidii qarashaadka ciidanka iyo xarumaha kale ee Cisbitaalada, Xabsiga Garowe loo bixin lahaa, iyadoo arrinta ugu hadalka badan ay tahay sababta loo bixin la yahay mushaharka shaqalaha maamulkaas qaarkood.

Maaha markii u horreysya ee ciidamada maamul-goboleedka Puntland ka gadoodaan mushahar la’aan haysata, waxaana ugu dambeeyey bannaan-bax ay ciidamadu Boosaaso ka sameeyeen xilligii maamulkii Faroole, haseyeeshee waa markii u horreysay ee maamulka cusub ee Cabdiweli Gaas ay ciidamadu mushahar-la’aan ka gadoodaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment