Sunday, July 6, 2014

Faahfaahinta khasaare ka dhashay Weerar-ismiidaamin ah oo lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho, 06 June, 2014 (Himilo)- Qarax ismiidaamin ah oo shalay lala beegsaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sababay dhimashada qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidan ilaalo ka ahaa xarunta, waxaana ku dhaawacmay 11-qof oo kale.

MWeerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay mid ka mid ah albaabbada xarunta baarlamaanka xilli ay mudaneyaashu sii galayeen dhismaha oo ay ku yeelan lahaayeen fadhi loo ballan-sannaa shalay.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Dhexe Qaasim Axmed Rooble oo ka hadlayey khasaaraha ka dhashay qaraxan, ayaa sheegay inay ku dhinteen laba Carruur ah oo ku noolaa kaamam ku yaalla agagaarka xarunta baarlamaanka, laba askari oo ilaalada baarlamaanka ka tirsan iyo ruuxii weerarka fuliyay.

“Gaadhiga ismiidaminta lagu fuliyay waxa arkay ciidamada ammaanka oo heegan ku jiray, waxayna ku billaabeen rasaas intii aanu bartilmaameedkiisa gaadhin, wuxuuna qarxay xilli uu ruuxii waday dhimasho ku dhow yahay,” ayuu yidhi afhayeenka guud ee booliiska.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhaawacmeen afar askari, isagoo xusay in toddobadii kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen shacab ku noolaa xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla agagaarka baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarro ay doonayaan inay kooxda Al-shabaab ka fuliyaan Muqdisho, laakiinse iyagu ay mar walba diyaar u ah inay ka hortagaan.

Qaraxan weli ayaa waxa la baaqday kulankii uu baarlamaanku lahaa, iyada oo ay xildhibaannadii isaga kala taageen goobta, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo lagu qaado baarlamaanka tan iyo bishii May ee sannadkan.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyada oo afhayeen u hadlay uu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ay ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay barnaamijka amniga lagu sugayo ee Nabad ku Afur, waxaa lagu dilay Muqdisho in ka badan 15-qof oo u badan askar ka tirsan ciidamada dawladiisa.

Himilomedia.com                                                      

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment