Saturday, July 5, 2014

Dawladda Soomaaliya oo mar kale kaga Dhawaajisay Hadal Saamayntiisa Sababtay inay Somaliland Ashkato uga gudbiso Qaramada Midoobay

Soomaaliya oo Bisha Tobnaad lagu Wareejinayo Maamulka Hawada iyo Somaliland kalsoonideeda siisay Qaramada Midoobay

 

 

“Intii aanu socdaalkayaga ku jirnay guul baa nooga soo hoyatay…Marka ugu horreysa waxa la soo bandhigayaa qaabkii wareejintu u dhacaysay bisha August, bisha October-na si rasmi ah ayay hawshu u soo gebo-gaboobaysaa” – Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya

 

 

“Go’aanka qaramada Midoobay-baa leh, mid aynu innagu gacanta ku hayno maaha, iyaguna mid ay gacanta ku hayaan maaha, martina ugama nihin Soomaaliya, innagu cidda aynu martida uga nahay waa cidda wax inoo haysa.” - Wasiirka Duulista iyo Hawada Somailand

 

 

 

Muqdisho, 06 July, 2014 (Himilo)- Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale shaaca ka qaadday inay xukuumad ahaan muddo bil ah gudaheed isu-diyaarinayaan sidii ay maamulka hawada Soomaaliya ugala wareeji lahaayeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada sare ee ICAO oo dhowr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey gacanta ku hayey maamulkeeda.

SOMALIYAWasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay inay wada-hadallo la xidhiidha maamulka Hawada Soomaaliya la yeesheen xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Duullimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee ICAO, isla markaana ay isla qaateen in gacanta dawladda Soomaaliya dib loogu soo celiyo maamulk Hawada sare ee Somaliya muddo kooban gudaheed.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shalay ku laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar todobaaddo qaatay oo uu waddamada dibadda ugu maqnaa arrimo la xidhiidha maamulka Hawada Soomaaliya, ayaa mar uu shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho

“Safarkaygu wuxuu u saabsanaa sidii loo soo celin lahaa maamulka Hawada Soomaaliyeed oo muddo ka badan labaatan sanno gacanta dawladda ka maqnaa, wakhti badanna dedaal loogu jiray in mar uun gacan umadda Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa,” sidaa waxa yidhi wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Intii aanu socdaalkayaga ku jirnay guul baa nooga soo hoyatay, waxaana ugu muhiimsanaa bishan 18-keedii iyo 19-keedii oo aanu shirar la yeelanay meesha ugu sarreysay ICAO, waxaanu isku af-garanay in dhowaan ay bilaabanto sidii loo soo rari lahaa. Hadalka nuxurkiisuna wuxuu ahaa in Soomaaliya hawadeedii la soo noqoto oo ay u madax-bannaanaato. Markaa halkaasaanu ku soo dhammaysannay, wixii hadhayna waa farsamo uun, waana laga wada-hadli doonaa.

Marka ugu horreysa waxa la soo bandhigayaa qaabkii wareejintu u dhacaysay bisha August, bisha October-na si rasmi ah ayay hawshu u soo gebo-gaboobaysaa.”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidan oo kale bishii hore dabayaaqadeedu u shaacisay inay Qaramada Midoobay ku wareejinayso Maamulka Hawada Sare ee Soomaaliya, arrintaas oo sababtay inay Xukuumadda Somaliland kaga jawaabto socdaal Wasiirrada Duulista & Hawada iyo Arrimaha Dibadda, Gaashaan-dhigga iyo Caafimaadka Somaliland oo dhawaan ku tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ay kulamo kula qaatay madaxda Xafiiska ICAO oo ay u gudbiyeen mawqifka Somaliland ee ku aaddan maamulka Hawada sare ee dal=weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka Duulista oo warbaahinta la hadlay ka dib markii ay soo laabteen socdaalkooda Nairobi.

GANACSATO“Qadiyaddani noqon mayso mid aanu Soomaali oo kaliya kala hadlayno, cidda ugu horeysa ee aanu kala hadlaynaa waa qaramada Midoobay, waayo cidda wax noo haysaa waa iyaga, waxaa ay hayaan ayaynu wax ku leenahay. Ta kale Somaliland waxa ka go’an inay tallaabooyin adag qaaddo haddii maamulka hawada lagu wareejiyo Soomaaliya. Immikana hawo Soomaaliya lagu wareejiyey ma jirto, laakiin waxa jira han ay ku doonayaan inay la wareegaan, mowqifka Soomaaliya wuu cad yahay, mowqifka Somaliland-na wuu cad yahay, go’aankana qaramada Midoobay-baa leh, mid aynu innagu gacanta ku hayno maaha, iyaguna mid ay gacanta ku hayaan maaha, martina ugama nihin Soomaaliya, innagu cidda aynu martida uga nahay waa cidda wax inoo haysa. Bulshada caalamkana waxaanu ugu sharaxnahay si garasho leh,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo safarkooda Nairobi ka dib ka hadlay natiijada wada-hadallo dhexmaray xafiiska ICAO ee Nairobi.

Himilomedia.com                                        

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment