Madaxweyne Cabdiweli oo u warramayey Warbaahinta Dalkiisa qaar ka mid ah, ayaa sheegay in dhulkaas Bariga Gobolka Sanaag iyo Koonfurta Gobolka Sool ay ka mid yihiin Maamulkiisa Puntland, waxana uu ku Andacooday inay dhalasho ahaan dadka deegaanku Maamulkiisa la dhasheen, “ Mawqifkayagu waa Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa dal dhalasho ahaan, distoor ahaan, sharci ahaan ka mid ah Puntland, cid la weydiinayaana ma jirto, cidkastoo timaadda ama xoog haku timaaddo ama xeelad haku timaaadee waxay ku joogaan sharci-darro.” Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya sii raaciyey Hadalkiisa,“Dadkaasi waxay ka mid noqdeen Aasaaskii puntland 1998-kii, waxana joogay Madaxdooda iyo isimadooda iyo siyaasiyiintooda, waana dad niyad ahaan iyo qalbi ahaanba Puntland ah, cidkastoo ka hortimaadaana waxay kujoogtaa sharcidarro.”
Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay inaanu Maamulkiisu dagaal ku degdegayn, balse Haddii sida uu sheegay la kallifo aanu Gacmaha Laaban Doonin, waxana uu yidhi,
“annagu ku degdegi mayno dagaal, dhiig daata iyo dad somaliyeed oo la laayo, laakiin Haddii ay ka fursan weydo dagaal Dawladda Puntland Gacmaha ma laabanayso dalkeeda iyo dadkeedana way difaacaysaa, balse waxa naga Go’an inaanaan Dagaal iyo colaad Abuurin.”
Hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa ku soo beegmaya xilli Deeganadaas intooda badani gacanta ugu jiraan Somaliland, isla-markaana aanay haatan ka jirin wax dhibaato ahi, marka laga reebo Qoryo-qoryeyn Kooxaha Khaatumo Ku lug leedahay oo ay ku carqadaynayaan Nabadda iyo deganaanshaha Shacabka lala doonayo.
Himilo Meida
No comments:
Post a Comment