Saturday, July 5, 2014

Gabdho iyo Wiilal Soomaaliyeed oo nolol tii ugu adkayd ku haysato Xabsi Kenya ah iyo Nooca dhibaatooyinka ay ka cawdeen

Nairobi, 05 July, 2014 (Himilo)- Muwaaddiniin Soomaaliyeed oo ku xidhxidhan garoonka Kubbadda Cagta Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya, ayaa cabasho ka muujiyey dhibaatooyin nolo-xumo, tacaddi iyo garaacis ah oo soo food-saaray muddada ay halkaas ugu xidhnaayeen dawladda Kenya.

Garoonka Kasarani ayaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan wuxuu ahaa goob ay Ciidammada Kenya ku xidh-xidhaan dadka Soomaalida iyo ajaanibka kale ah ee ay kusoo qabqabtaan howlgallada ka socda magaalada Nairobi iyagoo aan wax dembi ah geysan, halkaasoo ay garaacis iyo tacaddiyo kale oo ay Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u doodaa marar badan ka hadleen kula kacaan Masaakiinta ay xaraysteen.

2014412635328889726065857IMG_08731“Dhibaato aad u daran ayaa halkan nagu haysata, waxaan haystaa warqado aan wax kaga barto dalkan, Ciidammaduna way diideen inay warqadahaas igu tixgeliyaan, halkanna waxaan ku xidhanahay muddo bil ah.” ayuu ayuu yidhi oo uu BBC-da u sheegay Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiqaadir oo ka mid ah Boqollaal qof oo Soomaali ah oo si xaq-darro ah ay u xidheen Ciidanka Kenya.

Wiilkan ayaa sheegay in Xabsiga ay ku hayso nolol-xumo, isla markaana ay Ciidanku ula dhaqmaan si aad u fool-xun, isagoo xusay in dadka garoonkan Maxaabiista ku ah ay ku jiraan Gabdho Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin ka dhex ooyaya Xabsiga oo ay kula kulmeen tacaddiyo aan tiro lahayn iyo dhibaatooyin Bina-aadaminnimada ka baxsan oo ay Ciidanka Kenya kula kacaan, iyaguna aanay waxba u qaban karin.

“Ma jirto cid noo timid, dawladda Soomaaliyana way u jeeddaa in dalkan Kenya lagu dhibaateynayo shacabkeeda, sidaa daraaddeed waxba uma sheegi karno, waayo? Way ogyihiin wax walba.” ayuu yidhi Cabdiqaadir oo la weydiiyay su’aal ah inay dawladda Soomaaliya la xidhiidheen si ay dhibaatadooda ugu sheegaan iyo farriinta ay hadda u jeedinayaan.

Sidoo kale, waxa uu Wiilkani sheegay inaanay garan Karin wax ay sameeyaan oo aan ka ahayn inay Kenya iskaga baxaan oo ay dalkooda ku laabtaan haddii ay fursad u helaan meesha sida sharci-darrada ah dawladda Kenya ugu xaraysatay si ay u garaacdo oo u dhibaatayso ay maruun nabad kaga soo baxaan. Waxaanu Xukuumadda Kenya ku eedeeyay inaanay oggoleyn inay dalkooda ku celiso Maxaabiistan uu ka midka yahay ee ay xidh-xidhatay.

Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaawo Maxamuud Cabdi, ayaa iyaduna Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegtay in Ciidanka Kenya ay qabteen xilli ay doonaysay inay iskaga baxdo Kenya, balse Xabsiga ay u taxaabeen, isla markaana ay ku xidhan tahay garoonka Kasarani muddo laba bilood ah.

Xaawo Maxamuud oo arrimahaa ka hadlaysaana waxa ay tidhi; “Halkan waxaan ku jiraa laba bilood, noloshu aad ayay u xun tahay, biyo ma jiraan, cunnana waxaan helnaa Ugaali (Soor) qallalan, taas ayaana ku soonnaa tan iyo markii ay Bisha Barakaysan Ramadaan bilatay, waayo? Waa waajib in bishan la soomo, salaadna warkeeda daa… waayo? Biyo ma haysanno, xitaa kaadida biyo aad isaga dhaqdo (maydho) ma helaysid.”

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa intaas ku dartay inaanay jirin cid ay la xidhiidhi karaan, Askartuna ay garaacaan markii ay weydiistaan Taleefan ay kula xidhiidhaan Eheladooda ama ay weydiistaan waxyaabaha daruuriga ah sida biyaha oo kale, jawaabta ay Askarta ka helaan tahay keliya garaacis aan xad lahayn. “Dhibaato daran ayaa halkan nagu haysata, waxaanan ALLAAH ka rejeynayaa in uu naga saaro Xabsigan… Ma jirto cid loo naxariisanayo…Qof walbana sidii la doono ayaa loola dhaqmaa.” ayay tidhi Xaawa Maxamuud.

BBC-da oo arrintan kala hadashay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika, ayaa wuxuu sheegay in dadkaas ay yihiin kuwo aan dalkan ku joojin sharci, balse ay wadaan qorshihii ay Xabsigaas kaga saari lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhex-dhibaataysan.

“Maxaabiis iyaga ka badan ayaan ugu tagnay oo aan ka saarnay, iyagana waan ka saaraynaa, waxaase naloo sheegay inay yihiin dad loo haysto inay sharci-darro dalkan ku joogeen, innaguna dawladda Kenya waxaan had iyo goor ka codsanaa inaan la dhibaateyn Soomaalida, loona fududeeyo in dib loogu celiyo dalkooda kuwii aan sharci lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika oo ka jawaabayey Su’aal ahayd inay Maxaabiistaasi sheegeen inaanay u iman cid ka socota dawladdooda Soomaaliya.

Danjire Ameerika ayaa ku andocooday in tirada dadka Soomaalida ah ee ku jira Kasarani ay yihiin toddoba qof oo keliya, isla markaana ay la socdaan sida uu xaalkoodu yahay, markii loo oggolaado inay ka saaraan halkaasna ay dib ugu celin doonaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Himilomedia.com                                        

Hargeysa-Somaliland                         

 

 

No comments:

Post a Comment