Xaflad lagu fooladeynayey markabka oo lagu qabtay dekeda lagu samaynayo ee Rosyth Dockyard, ayey boqorada Queen Elizabeth ku jebisay quraarad walxaha lagu sakhraamo ku jireen.Markabkan oo la sheegay inuu xambaari doono diyaaradaha dagaalka, iyo kuw aqumaatiga u kaca ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u hawlgalo sannadka 2020.
Elizaberth ayaa markii ay isugu magic-dartay markabka sheegtay, “ka soo qeybgalka xaflada markabkan cusub waxaan filayaa inuu noqon doonto calaamad u taagan horumarka iyo sharafta dhamaanteen. 'Waxaan ugu magac-daray markabkan Queen Elizabeth, waxaan u rajeynayaa inuu ILAAHAY barakeeyo isaga iyo dhamaan waxii raaca,”
U magac-bixinta markabkan dagaal ayaa ku soo beegmaya shan sannadood ka dib, markii birtii ugu horeysay ee markabkan la gooyey, taasoo 33 bilood kadib qeybtii koowaad ee markabku soo gaadhay marsada lagu xidhidhayo ee Rosyth.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment