Hargeysa, 06 July, 2014 (Himilo)- Maamulka degmada 26 June ee magaalada Hargeysa, ayaa shacabka ku dhaqan degmadaas ku bogaadiyey sida ay diyaarka ugu yihiin bixinta cashuuraha ku waajibay, waxaanay ugu baaqeen inta dhiman ee aan weli bixin ee cashuurtu ku hadhsan tahay inay sida ugu dhakhsaha badan ku soo xereeyaan muddo laba bilood ah.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee degmada 26-ka Juun ee caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), waxa uu dadweynaha ku dhaqan degmada u ballan-qaaday inay maamul ahaan dadweynaha ugu adeegi doonaan sida ugu daacadsan ugu hawl-garsan ee ay u gudan karaan waajibaadka shaqo ee ay masuulliyaddeeda hayaan .
Qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenku oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Himilo, ayaa dadweynaha ku dhaqan degmada 26 June loogu soo jeediyey inay muddo laba bilood gudahood ah ku bixiyaan cashuuraha dawladda Hoose ee Liisamada iyo Ardiyadaha.
“Waxaan dadweynaha ku dhaqan degmada 26-ka Juun ka codsanayaa inay bixiyaan cashuurta liisamada iyo ardiyadaha, inta bixisay waan u mahad naqayaa waanan ku hambalyeynayaa inta kalana waxaan farayaa inay muddo laba bilood gudohood ah ku soo bixiyaan,” ayuu qoraalkiisu ku sheegay.
Hadhiye waxa kale oo uu digniin u diray cida baaqani u hogaansami weyda waxaanu yidhi, “Waxaan u sheegayaa cid kasta oo ka dhego adaygta ama u hogaansami weyda baaqan inuu fuuli doonto ganaax intaas kadibna aanu la tiigsan doono hay’adaha sharciga si ay uga gutaan waajibkooda”.
Guddoomiye Hadhiye waxa kale oo uu ku wargaliyey dadweynaha iyo ganacsatada kala duwan ee degmada 26-ka Juun inay samaystaan weel ay qashinka ku ururiyaan oo ay ka waantoobaan qashinka wadEooyinka lagu daadiyo isla markaana la shaqeeyaan shirkadda cusub ee Almis ee u xilsaaran qashin qaadista.
“Maanta laga bilaabo u dulqaadan mayno waxaanu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan, waxaan u digayaa cid kasta oo dagan wado dhexdeed inay sida ugu dhakhsaha badan u baneeyaan, iyadoo aanu dhawaan insha allah qaadi doona olole wado banayn ah si aanu u qurxino bilicda degmada iyo ta caasimadaba,” ayuu guddoomiye ku-xigeenku ku sheegay farriintiisa.
Guddoomiye Hadhiye waxa uu ugu danbayntii ka codsaday shacabka degmada inay la shaqeeyaan, waxaanu taas beddelkeeda u ballanqaaday inay ugu adeegi doonaan aqoon, hufnaan, caddaalad iyo daacadnimo. “Waxaanu wax badan ka qaban doonaa horena uga qabanay bilicda degmada 26-ka Juun hadday tahay dayactirka iyo dhismaha waddooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee degmada 26 June.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment