Thursday, July 3, 2014

Maamulaha Madaarka Hargeysa oo sheegay inay Qaabileen Rakaabkii Adeegsan jiray Madaarrada dalalka Jaarka ah

Maxay Xal u hayaan Dhibaatada ka taagan Rakaabka iyo Alaabadooda kala Raagaya?

Hargeysa, 03 July, 2014 (Himilo)- Maamulaha Madaarka Caalamiga ah magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaq baaxad leh oo xilligan xagaaga ku yimi hawlaha Madaarka oo todobaadyadii u dambeeyey ay kordheen tirada diyaaradaha sida joogtada ah u soo cago-dhigta.

maamulahaMaamule Macxamed Yuusuf oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa uu ku leeyahay garoonka caasimadda, waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey cabashooyin ka soo yeedhay qaar ka mid ah Rakaabka diyaaradaha ka soo dega madaarka, kuwaas oo ku doodayey dib-u-dhac ku yimi Alaabada ay siteen.

“Wakhtigan waxa aynu ku jirnaa wakhtigii Xagaaga oo shaqada ka socota Madaarka ay ku socoto dardar xoogan, Xagaaga sanadkani waa kii ugu dadka badnaa, tirada dadka soo-dagayaasha iyo kuwa dhoofayaaba ahiba aad ayey u badan yihiin. Wasaaradda Duulista iyo maamulka madaarkuba wakhtigan Xagaaga si weyn ayey ugu diyaar garoobeen, waxa aanu samayanay qorshe hawleed la xidhiidha u diyaar garowga wakhtiga xagaga,” Sidaas waxa yidhi Maamulaha madaarka oo ka hadlayey saxmadda xilligan ka jirta Madaarka Hargeysa.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Dhammaan qaybaha kala duwan ee madaarka dib u habayn ayaanu ku samaynay, waxaanu u diyaar garownay in dadka reer Somaliland ee Xagaagan inoo imanayaa inay helaan adeeg hufan ee dheeli tiran. Waxa aanu diyaarianay dhalinyaro shaqaale ah oo firfircoon, dib u dhis balaadhan ayaanu ku samayay Ternimalada madaarka, amaanka ayaanu sidoo kale sare u qaadnay. Waxa kale oo aanu dadweynaha Eheladoodu imayanayaan u diyaarinay goobo ay ku sugaan, ama ku dhoofaya ay ku sagootiyeen, waxa kale oo aanu diyaarinay qalab ay dadku kala soconayaa wakhtiga ay diyaaradu soo fadhiisanayso ama kacayso, mararkii hore su’aalo badan ayaa arintaas naga iman jiray.”

Maamulaha Madaarka Cigaal waxa uu sheegay in Madaarku uu wakhtigan qaabilay rakaabkii reer Somaliland ee hore u adeegsan jiray Madaarrada dalalka Jaarka ah, waxaanu yidhi, “Wakhtiyadii hore waxa dhici jirtay in dadku ay soo maraan Jabuuti ama Jigjiga ka soo dagaan, ama ay Berbera ka soo dagaan. Sadexdaas madaar dadkii ka soo degi jiray ayaa u soo wareegay Madaarka Hargeysa marka lagu daro intii caadiga ahayd ee isaga markii hore adeegsan jirtay. Dadka baaxadaas leh ayuu madaarku maanta u adeegayaa, taasina waxya ina tusinayaa awooda madaarka, iyo shaqada baaxada leh ee Madaarka laga qabtay.”

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey cabasho ka timid qaar ka mida dadweynaha Safarka ah ee Madaarka ka soo daga taas oo la xidhiidha inay dib uga dhacaan shandadohooda oo ay markii hore ka yimaaddeen, waxaanu yidhi, “Adeegyo badan ayaanu dadka u qabanay, laakiin waxa aanu jecelnahay in aanu ka raalli galino, cabashadooda ku aaddan in dadka shandadohoodii ay diyaaraduhu soo kala horaysiinayaa rakaabkii iyo shandadihii, taasina waxa sababay dad badan oo wakhtigan Xagaaga imanaya, dad badan ayaa culayska alaabta ay sitaan iyo kan diyaaradu qaadaysaa ay kala bateen marka ay diyaaradu rakaabka siddo, taasi oo keentay in dadkii alaabtii ka soo horeeyaan, maalin ama laba cisho ka dibna alaabtii la keeno.”

Arintaaasi annaga wixii nagala gudboon waxaanu jecelanahay in aanu samayano, ka maamul ahaanna dedaal ayaanu u galanay in dadkaasi alaabtooda wakhti haboon loo keeno, walow sidii aanu doonaynay wax u dhicin ilaa hadda, laakiin arrintaas waanu ku hawlan nahay, shirkadaha Diyaaraha waanu ka hada hadlaynaa, dadweynaha shandadohoodu ka raageen ee magaalooyin kale u socda, waanu u samaynaa adeeg dheeraad ah sidii hore alaabtooda loogu keeni lahaa,”ayuu yidhi maamule Maxamed Yuusuf.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment