Thursday, July 3, 2014

Ka faa’iideyso Su’aalo Iyo Jawaabo Ku Saabsan Ramadaanta

Soonka Caruurta

 

10. Su’aal: Ilmahayga yar ayaa ku adkaysta inuu soomo Ramadaanka, inkastoo soonku dhibayo yaraantiisa iyo caafimaad daradiisa awgeed, hadaba ma ku qasbaa inuu afuro?

 

Jawaab:  Haddii ilmaha yari aanu qaangaadhin soonku kuma waajiba, hasayeeshee hadduu awoodo soonka tiiyoonay dhibi ka soo gaadhayn waxa banaan in lagu amro, saxaabaduna Allaah ha ka raali noqdee caruurtooda ayay soon siin jireen illaa ka yari uu ooyo, waxayna siin jireen wuxuu ku ciyaaro si uu ugu maararoobo, hayeeshee haddii la arko inuu soonku dhibayo waa in loo diido. Allaah wuxuu inaga manciyay inaynu caruurta siino maalkooga haddii looga baqdo inay fasahaadiyaan (lumiyaan), sidoo kale waxa mudan in soonka laga manciyo haddii laga baqdo inuu jidhkooga dhibayo, hayeeshee waa in looga manciyo si aan qalafsanayn, waayo marka la tarbiyadaynayo ma banaana in sidaasi loola dhaqmo caruurta.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

 

 

Cadayga

11. Su'aal: Waxa jira dad iska ilaaliya inay cadaydaan Ramadaan dhexdeeda iyagoo ka cabsanaya inuu soonku ka jabo, sidaasi ma saxbaa? Waqtigase  ugu wanaagsan ee la cadayan karo Ramadaantu waa goorma?

 

Jawaab: wax saxa maaha in layska ilaaliyo cadayga maalmaha bisha Ramadaan iyo maalmaha kale ee qofku sooman yahay midna, waayo cadaygu waa sunne sida ku timid xadiiska saxiixa ah:

((Cadaygu afkana waa daahiriyaa, Ilaahayna waa raali galiyaa)).

 

In la cadaydaana waa arrin mashruuca oo la adkeeyay  xilliga salaada , waysada, marka hurdada laga toosayo iyo marka guriga la galayo, soon iyo soon la'aanba. Mana jabinayo soonka haddii aanu lahayn dhadhan candhuuftaada raacaya, haddii uu leeyahay dhadhana ha liqin dhadhankiisa, sidoo kale haddii dhiig  ciridka kaa soo daato adigoo cadayanaya ha liqin dhiiga, haddaad taasi iska ilaalisana waxba yeeli maayo soonkaaga.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

 

Macjuunka Lagu Cadaydo

 

12. Su'aal: Ma u banaan tahay qofka sooman inuu isticmaalo macjuunta ilkaha lagu cadayo maalin Ramadaan isagoo sooman?

 

Jawaab: Wax dhibi kuma jirto in la isticmaalo haddii layska ilaaliyo in la liqo wax macjuunta ka mida, waxaana u banaan qofka sooman inuu cadaydo galinka hore iyo galinka dambaba. Culimada kuwo ka mid ah ayaa yidhi waa makruuh in la cadaydo zawaalka ka bacdi, kaasina waa qowl  laga rajaxsan yahay, sida saxina waa in wax karaahiyi ku jirin, taana waxa daliil u ah caamnimada qowlka Nabiga SCW

((Cadaygu afkana waa daahiriyaa, Ilaahayna waa raali galiyaa)). An-Naasi’ ayaa sanad saxiixa kaga soo weriya Caa’isha Illaahay raali haka ahaadee, iyo qawlkii nabigeena SCW ee ahaa

((Haddii aanay ummadayda dhibaato ku noqon lahayn waxaan amri lahaa inay cadaydaan mar kasta oo ay tukanayaan)).

 

Xukunkani wuxuu koobayaa salaada duhur iyo salaada casar, waqtigooguna waa zawaalka ka bacdi. Ilaahay ayaa towfiiqda bixiya.

 

Sh.Ibnu Baaz

 

 

 

13. Su'aal: Waa maxay xukunka qofka sooman ee cadayda ama cadar marsada?

 

Jawaab: Waxa saxa inay  sunne tahay inuu qofka soomani cadayan karo galinka hore iyo galinka dambe labadaba, caamnimada hadalka Nabiga SCW awgii:

((Cadaygu afkana waa daahiriyaa, Ilaahayna waa raali galiyaa)).

 

Iyo hadalkiisa

 

 

((Haddii aanay ummadayda dhibaato ku noqon lahayn waxaan amri lahaa inay cadaydaan mar kasta oo ay tukanayaan)).

 

 

Sidoo kale weeyi xukunka cadarku oo isna wuu u banaan yahay qofka sooman gelinka hore iyo gelinka dambe, waxana isku mida cadarka la marsado iyo uunsiga iwm. Haseyeeshee ma banaana inuu sanka ka nuugo bukhuurka (uunsiga) waayo bukhuurku wuxuu leeyahay saxarro la dareemi karo lana arki karo oo haddii la nuugo sankiisa galeysa hadana caloosho galaysa, sidaa awgeed ayuu Nabigu SCW ugu yidhi Laqiid bin Sabira:

((Sandaarsiga ku xeel dheerow, adigoo sooman mooyee)).

 

Sh.Ibnu Cusaymiin

 

 

 

Qof Sooman oo Gows laga Saaray

 

 

14. Su'aal: Waa maxay xukunka qofka sooman oo gows iska saaray, miyuuse soonkiisii jabayaa?

 

Jawaab: Dhiiga soo daata marka gows layska saaro iyo wixii la mid ahi soonka ma jabinayaan waayo ma laha raadka toobinta oo kale, sidaa awgeed soonka ma jabinayo.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

 

 

Dhiigga Ka  Yimaada Ciridka Qofka Sooman

 

15. Su'aal: Dhiiga ka soo baxa ciridka qofka soomani miyuu soonka jabinayaa?

 

Jawaab: Dhiiga ka soo daadata ilkuhu wax raada kuma laha soonka, hase-yeeshee waa intii la kari karo layska ilaaliyo in la liqo, waxa sidaasi la mida haddii qof sanka ka gororo oo uu iska ilaaliyo inuu dhiigu dib uugu siibto (liqo), sidaasi waxba kuma jabna, qallana laguma laha.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

 

 

Cadarku Ma Jabinayo Soonka

 

16. Su’aal: Waa maxay xukunka in qofka soomani isticmaalo cadar dharaarta Ramadaan?

 

Jawaab: Waxba kuma jabna inuu isticmaalo (marsado) iyo inuu ursadaba isagoo sooman, hayeeshee uma banaana inuu ursado (sanka ku nuugo) uunsiga  waayo wuxuu leeyhay jimidh gaadhaya caloosha kaasi oo ah qiiqa.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

 

 

Dawada lagu luqluqdo

 

17. Su’aal: Miyuu isticmaalka dawada lagu luqluqdaa (mouth wash) jabinaysaa soonka?

 

Jawaab: Maya, ma jabinayso soonka haduuna liqin ooyna wax ka midi caloosha galin, hayeeshee ha qaadan dawada adigoon u baahnayn.

 

Sh. Ibnu Cusaymiin

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment