Hargeysa, 09, Julay, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Abaal-marinno guddoonsiiyey Afarta Arday ee afarta Kaalmood ee ugu horreeya u galay Ardayda ku tartantay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan oo si isku mid ah loogu qabtay gobollada dalka Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ugu horaynba waxa uu gaadhi noociisu yahay TOYOTA NOAH guddoonsiiyey Wiilka kaalinta koowaad ku guulaystay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ka socday gobolka Maroodi jeex iyo saddex Arday oo kale oo ku kala guulaystay kaalmaha labaad, saddexaad iyo Afraad oo iyaguna ka kala socday gobollada Sool, Togdheer iyo Maroodi-jeex.Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa isaguna Madaxweynaha laftiisa gudoonsiiyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo ay Madaxweynaha ku sharfeen Culimada iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta maaddaama oo uu Madaxweynuhu lahaa fikirkan, isla markaana uu Wasaaradda Diinta faray in sannad walba la qabto Bisha Ramadaan Tartanka Abaal-marinta qiimaha leh lagu siinayo Ardayda Kaalmaha hore ku guulaysata.
Furitaankii Kulankaas Afurka iyo Cashada ahaa oo uu Madaxweynuhu u sameeyey Ardayda iyo Culimada oo Madaxtooyada lagu qabtay xalay, waxa hadal kooban ka jeediyey Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada Tartanka wadday, ayaa kulankaas ka hadlay, isla markaana sheegay in dhammaan Ardayda ka qayb-qaadatay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan la qabtay ay kulankaas Madaxtooyada lagu qabtay goob-joog ka yihiin, iyaga iyo Qur’aankuna kulankaas Marti ugu yihiin Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Ardayda Xifdiga Qur’aanka ku tartamay iyo Culimada Tartanka wadday-ba ku soo dhaweeyey Madaxtooyada, isaga oo sheegay inay dhammaan ku faraxsan yihiin in Madaxtooyada uu Madaxweynuhu ku casuumo Ardayda Qur’aan Xaafidka ah ee dalka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey, uguna duceeyey qabashada Kulankan uu Abaal-marinta ku guddoonsiiyey Dhalinyarada Qur’aan Xaafidka ah ee ka qaybgalay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan laga qabtay dhammaan gobollada dalka.
“Waxa caado innoo noqotay oo Madaxweynuhu innoo jideeyey Illaahay haka abaaliyee inaynu ku guddoonsiinno Dhalinyaradeenna Qur’aan Xaafidka ah Jaa’isad cusub oo Jaa’isadda Qur’aanka Kariimka ah ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland ah, Jaa’isaddaas oo runtii ah Jaa’isad aad u qiimo badan oo aan hore dalka looga bixin jirin, balse Madaxweynuhu innoo bilaabay oo sannadkii labaad maanta innoo maraysa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay farxad yahay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo uu sheegay in la sii wadi doono, isla markaana uu hambalyo iyo mahad-naq u dirayo Dhalinyarada tartantay, Macallimiinta Qur’aanka baray iyo Culimada gacanta ku haysay Tartanka.
Waxa uu Madaxweynaha Somaliland oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Kulligeen farxad weyn bay innoo tahay inaynu halkan Tartanka Qiraa’ada Qur’aanka Kariimka ah Dhalinyarada ugu qabanno, taasoo innoo noqotay mid muddo innoo socotay oo innoo bilaaban tahay, Insha Allaahu-na aynu ku wadi doonno. Waxaan jecelahay inaan halkan Hambalyo aad u ballaadhan uga soo jeediyo Dhalinyarada ku guulaystay kuwii hore ugu guulaystay iyo kuwa immika ku guulaystay iyo Macallimiinta iyo Culimada ka qaybgalay hawshaas iyagana inaan mahad-naq ballaadhan u soo jeediyo.”
Gebo-gabadii kulankaas waxa hadalladaas ka dib, Abaal-marinnada ay mutaysteen lagu guddoonsiiyey Ardayda Afarta Kaalmood ee ugu horreeya ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan la qabtay. Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland guddoonsiiyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo ah wax la isku Abaal-mariyo shayga ugu qaalisan xagga Islaamka.
Madaxweynuhuna waxa uu Abaal-marinnada ay ku guulaysteen guddoonsiiyey Ardayda dhalinyarada ah ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan la qabtay ku guulaystay afarta kaalmood ee ugu horeeyey oo kala ahaa sidan:- 1- Cabdilaahi Maxamed Cali (Gobolka Maroodi-jeex) kaalinta koowaad waxa la guddoonsiiyey oo uu ku guulaystay Gaadhiga Noah-hada ah. 2. Shucayb Maxamed Cabdilaahi (Gobolka Sool) oo galay Kaalinta labaad ahaana Ardayga ugu da’da yar Ardayda waxa la guddoonsiiyey Kumputer Lap Top ah ama Kumpuyuutarka gacanta lagu qaato iyo Kun iyo saddex boqol oo Doollar.
3. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Gobolka Togdheer) kaalinta saddexaad, waxa uu ku guulaystay lacag dhan Kun Doollar iyo hal xabbo oo Taleefanka gacanta ah (Mobile). Ardayga Kaalinta 4-aad galay ayaa ah Jamaal Cabdinaasir Xuseen (Gobolka Maroodi-jeex), ayaa isagana lagu abaal-mariyey Toddoba boqol oo Doollar iyo Kitaabka Tafsiirka Qur’aanka ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment