Dhagax-dhigga Xarunta dab-demiska ah waxa lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee Gaadiidka Dab-demiska oo ay ku bacday lacag dhan 260,000 Dollar oo ay iska kaashadeen Madaxweynaha Somaliland, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Ganacsatada Suuqyada Hargeysa qaarkood.Munaasibad shalay lagu dhagax-dhigay Xarunta Dab-demiska Caasimadda, waxa ka soo qayb-galay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Booliska, Maayarka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.
Maayirka Caasimada isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Md Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa tafaasiil ka bixiyey sidii ay ugu suurto-gashay gaadiidka Dab-demiska iyo Qorshaha mashruucan ay isla kaashadeen dawladda hoose iyo madaxweynaha.
“Runtii Dab-damiskan la soo iibayey waxa lacagta Bixiyey Madaxweynaha Somaliland iyo dawladda hoose ee Hargeysa, lacagtaasi oo ah 260,000 oo Dollar, Dawlada Hoose waxay bixisay 100,000 (Boqol Kun) iyo Suuqa Waaheen oo bixiyey 20,000 oo Dollar, xaruntani waa xaruntii Dabdamiska ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo aanu sameynaynaa Afar xarumood oo daafaha magaalada laga dhisi doono oo dabdamisku la geyn doono, waxa kale oo aanu labbada Suuq ee Waaheen iyo gobanimo u sameyn doona Labba Dhuummod oo waaweyn oo biyo wixii dhib ah ee yimaada lagu bakhtiyo, waxa kale oo aanu keenay qalabkii bakhtiinayey haddii uu shiidaal Gubto,” sidaas ayuu yidhi Md Soltelco.
Dhulka laga dhisayo Xarunta Damb-demiska Caasimadda Hargeysa oo ku taala Xaafadda Shacabka, waxa bixiyey Madaxweynaha Somaliland, sida uu sheegay maayarka Caasimadda Hargeysa.
Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mid ah guddida Horumarinta Caasimada oo u mahad-celin u jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiintii ka qayb-galay munaasibadda.
Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey Xarunta dab-demis ee caasimadda Hargeysa loo hirgelinayo.
“Runtii Waxa maanta nasiib u yeelatay in caasimadii Dalka ee Hargeysa ay keento dab-damis xukumadu, runtii waa waxyaabaha ilalahay aanu ugu mahadinayno, ummadana in aanu waxa u qabanay ay arrintani ay cadeynaysaa, runtii hawshani waa mid balaadhan oo wax badan soo kordhisay, runtii qalabkan markii ugu horeysay ee la keenay dalka waxa lagu soo bandhigay Xuskii 18 May,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaguna halkaas, ka hadlay, waxa uu yidhi, “Mashruucani Waa Mid Billow ah, laakiin waxa lanaga sugaya Afarta Degmo ee Magaalada Hargeysa sidii aanu ugu sameyn lahayn Baabuur Dabdamis ah oo u gaar ah, waxa kale oo jirta in goboladii kale ee Somaliland ay u baahan yihiin Baabuurta Dab-damiska ah kuwaasi oo dabka dhib badani ay ka haysato, oo Magaalooyinka qaarkood Bakhaarradii ku yaalay laba Cisho gubanayaan.”
Mashruucan lagu hirgelinayo Dab-damis ay yeelato caasimadda Hargeysa, ayaa noqonaya wax-qabadkii ugu ballaadhnaa ee ay si wada-jir ah isaga kaashadaan Dawladda Hoose iyo Dawladda Dhexe.
Madaxweynaha Somaliland ayaa todobaadkan soo saaray xeer-madaxweyne oo uu ku hirgeliyey abuuritaanka Ciidan Dab-demis oo Qaranku yeesho, kuwaas oo maamul ahaan hoos-tagi doono Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment