“Anigu Al-Shabaab uga carari maayo Villa Soomaaliya, imana cararsiin karto, ima qixin karto cid ay qixin kartana malaha…”
Muqdisho, 09 July, 2014 (Himilo)- Dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay wakhtigii Afurka la isu-diyaarinayey xalay weerar culus ku qaaday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo isku dayayey inay gudaha u galaan, isla markaana la wareegaan Madaxtooyada, hase-ahaatee sida ay dawladdu sheegtay dhammaan Raggii weerarka soo qaaday ay laayeen Ciidanka ilaalada Villa Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Weerarkaas, isla markaana Baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ku baahiyey inay la wareegeen gacan-ku-haynta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, isla markaana ay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dawladdu halkaas ka carareen. Hase-yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xalay cawaysinkii dambe Shir Jaraa’id ku qabtay gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka ay Al-Shabaab ku sheeganayso inay qabsadeen Madaxtooyada oo ay Madaxda dawladduna ka yaacday.
Waxay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Warfaafintuba sheegeen in tallaabo ku habboon laga qaaday Kooxda Al-Shabaab ka tirsanayd ee xilligii Afurka xalay weeraray Madaxtooyada, isla markaana dhammaantood ay Ciidammada ilaalada Madaxtooyadu laayeen.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa sheegay in koox wadata Gaadhi nooca loo yaqaanno NOAH ah ay isku qarxiyeen koontroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada, halkaasna lagu celiyay kooxihii weerarka soo qaaday, waxaanu Wasiirka oo sharraxayaa yidhi; “Kooxaha weerarka soo qaaday waxay wateen gaadhi NOAH ah iyagoo isku soo ekeysiiyay dad shacab ah, laakiin markii lagu joojiyay koontaroolka ayay baabuurka ka degeen oo ay qarxiyeen, iyagoo isku dayay inay galaan xarunta Madaxtooyada, balse nasiib-wanaag Ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa horjoogsaday isku-daygaas. Afar ka mid ah Kooxahaas waa la dilay mid ka mid ahna waa la qabtay.”
Waxaanu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sii wata hadalkiisa intaas ku ladhay; “Weerarka waxaa lasoo qaaday intii aan xilliga afurka la gaadhin. Falkanna wuxuu ka mid yahay falalka fooshap-xun ee ay argagaxisadu geysnayaan bishan Ramadaan, waana qorshayaal ay ku doonayaan inay ku burburiyaan nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya. Ciidammada ammaankuna waxay ku guuleysteen inay is-hortaag ku sameeyaan weerarkaas, wuxuuna la mid yahay weerarkani kuwii hore ay ugu guul-darreysteen oo kale.”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale Shirkan Jaraa’id ku sheegay inaanu uga cararin Al-Shabaab Madaxtooyada ugana carari doonin, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ummadda Soomaaliyeed u sheego borabagaandaha ay argagixisadu faafinayso ee ah Madaxweynihii baa Villa Soomaaliya ka cararay, Madaxweynihii baa laga bixiyey, waxaan leeyahay waxaas waxba kama jiraan. Xilligan aan hadlayo waxaan joogaa deegaankeyga Madaxtooyada Soomaaliya Villa Somalia, waana meel ammaan ah, sidoo kale anigana waan caafimaad qabaa, anigu Al-Shabaab uga carari maayo Villa Soomaaliya, imana cararsiin karto, ima qixin karto cid ay qixin kartana malaha.”
“Hadallada ku-tidhi-ku-teenta ah ee argagaxisu ay sheegeen oo ah inay la wareegeen dhismaha Madaxtooyada ayna ka dhex-dagaalameen waa kuwo aanay waxba ka jirin. Sida Wasiirka Warfaafintu sheegay Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-kaashanaya ayaa si dhaqso ah uga hortagay weerarkaas ammaanka Madaxtooyadana gacanta ku haya. Weerarkaasna wuu fashilmay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaanu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh intaas ku daray oo uu yidhi; “Argagaxisadu waxay internet-ka ku sheegtaan sidii ay doonan, wayna ka hanjabaan. Waxaan u sheegayaan inaanay na dili karin, niyaddayadana waxba uma dhimi kartaan. Dawladdu way jiri doontaa, kumana dumayso hadallada internet-ka aad ku daabacaysaan. Halkan ayaan joogaynaa. Dawladda Soomaaliyana halkan ayay joogaysaa, aniguna halkan ayaan joogayaa - Illaahay idankiis. Argagaxisaduna ma wax-yeelleyn karaan hawsha wanaagsan ee la qabtay, xilliyadii adkaana waan kasoo gudubnay. Howsha waan sii wadaynaa, dagaalka aan idin kula jirnana waan sii wadaynaa.”
“Waxaan doonayaa inaan kusoo gaba-gabeeyo farriinteydan in Waalidiinta Soomaaliyeed laga doonayo inay la socdaan dhaqdhaqa carruurtooda. Waayo waa wiilal Soomaaliyeed, waana inaan si wadajir ah uga shaqeynaa sidii aan ku xaqiijin lahayn in carruurteennu ay noqdaan kuwo waddo wanaagsan ku taagan. Waxaan idin ka doonaynaa inaad dowladda la shaqeysaan, waana inaad nala socodsiisaan haddii aad aragtaan wax aan caadi ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ka madax-bannaan labada dhinac ee Al-Shabaab iyo dawladda Soomaaliya, ayaa sheega in dagaalkaas ay ku dhinteen dad labada dhinac-ba ka tirsan, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaadday oo toddoba illaa siddeed lagu sheegayo inay badankoodu dhinteen iyo Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika oo la sheegayo intii aan laga takhallusin kooxdaas inay dileen, inkasta oo aan tiradooda rasmiga ah wali la shaacin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment