Wednesday, July 9, 2014

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo lagu eedeeyey inay Sabab u tahay Shakiga Dawladda Sucuudigu Ka Muujisay Caafimaad-qabka GEELA looga Dhoofiyo Somaliland

40 Kun Awr oo laga dhoofiyey Dekedda Berbera oo 3 bilood ku Xayiran Sucuudiga

 

  • Falaqaynta Aqoonyahanka Dalku ka bixiyeen Baaxadda Saamayn ka dhaqaale dhalan karta Go’aanka Sucuudiga


 

  • Dekedda Berbera oo aan Wax GEEL ah laga dhoofin muddo Bil ah


 

 

Hargeysa, 06 July, 2014 (Himilo)- Xubno ka mid ah Aqoonyahanka dalka iyo Ganacsatada ku xidhan dhoofka Xoolaha Nool ee loo iib-geeyo waddanka Sucuudiga, ayaa ka hadlay saamayn dhaqaale oo durba ka dhalatay Xannuunka laga helay Geela Sucuudiga, kaas oo Virus-kiisa ay u dhintaan boqolaal ka mid ah muwaadiniinta dalkaas.

Somaliland-12Xannuunka laga helay Geela Sucuudiga, ayaa saamayn ku yeeshay Geela looga dhoofiyo waddamada Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto, waxaana xilligan Xeryo lagu xannaaneeyo Xoolaha oo ku yaala dalka Sucuudiga ku jira Geel tiradiisu lagu qiyaasay 50,000 (Konton Kun) oo neef oo 40 Kun ka mid ah laga dhoofiyey dekedda Berbera ee Somaliland laba bilood ka hor.

Dawladda Sucuudiga ayaa hore u sheegtay inay baadhitaan ku waddo Geela looga dhoofiyo dalalka Geeska Afrika inay sabab u yihiin Xannuunka laga helay Geela dalkooda oo saameeyey Caafimaadka shacabka ku dhaqan dalkaas.

Ganacsatada Xoolaha Dhoofiyo ayaa aamisan in shakiga ka dhashay Caafimaad-qabka Geela laga dhoofiyo Dekedda Berbera ay masuuliyaddeeda iska leedahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan iyo masuuliyad-darro la xidhiidha xakamaynta Caafimaadka Xoolaha dalka ka dhoofa. Ganacsatadani waxa ay wasaaradda ku eedeeyeen inay sabab u ahayd Geel tiradiisa lagu qiyaasay Dhowr boqol oo laba bilood horteed dalka Sucuudiga dib looga soo celiyey, ka dib markii laga helay xannuunka Purcela-ha.

Afhayeenka Ganacsatada Xoolaha ka dhoofisa Dekedda Berbera Xiis Cabdilaahi Warsame, ayaa wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku eedeyey sabab u ahayd isla markaana ay abuurtay shakiga laga muujiyey caafimaadka Geela ka dhoofa Somaliland oo saddex bilood Sucuudiga laga soo celiyey laba markab oo laga raray Dekedda Berbera.

Afhayeen Xiis Cabdilaahi oo Wariye ka tirsan Himilo wax ka weydiiyey saamaynta ka dhalatay Dhoofka Xoolaha gaar ahaan Geela oo wakhtigan Hakad galay, ayaa ku jawaabay,  “Aafadii ay wasaaraddu geysatay iyo labadii Markab ee la soo celiyey iyo xannuunadii laga shakiyey ee ay waxba ka qaban-weyday, waata sababtay inuu Geelii halkan (Berbera) laga dhoofiyey ku cakirmo Sucuudiga. Markaa waa Dhaxalkii barigaas iyo tashuushkii ay geliyeen ayaa laga raacay.

Markaa Geelii Sucuudiga la geeyeyna saddex bilood ayuu daaqayaa, dadkiina khasaare ayaa ku dhacay. 50 Kun oo Awr ayaa Xeryaha ku jira oo aan cidi la hadal, Geel tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 40 Kun ayaa ka baxay dekedda Berbera, intii badanna waxa iska leh dad reer Somaliland ah, Al-Jaabirina wuxuu ku leeyahay ilaa 15 Kun, Carabta kalena kama badna ilaa Kun.”

Afhayeenka Ganacsatada Xooluhu waxa uu dhaliilo u jeediyey Xukuumadda iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha, waxaanu yidhi, “Xukuumadda iyo Wasaaraddana waanu dhaliilaynaa, waayo ilaa immika kama hadal waxay ku sugan yihiin dadkii ay masuulka ka ahaayeen, markaa waxa jirta habacsanaan, maamul xumo iyo xog-la’aan iyo cid isku xidha wasaaraddiisa iyo dadkii oo aan meesha jirin. Wasiirkuna danihiisa uunbuuu ku mashquul san yahay, ma jirto habayaraatee wax uu ka warhayo dhibtan iyo khasaarahan dadka haysta.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Berigii hore ee Geela la soo celiyey wixii ka dambeeyey, maraakiib badan baa baxday oo Geel u qaadday Sucuudiga, iibku ha iska yaraadee, dadku Geela way rarayeen, xannuunkana wax sahlan baa la moodayey. Immika laakiin, muddo aan ku qiyaasayo Bil ma jiro wax geel ah oo ka dhoofay Berbera, Laakiin intii u dhaxaysay Berigaas hore ee la soo celiyey iyo bishaas, Geelu sidii Carrafada ayuu u dhoofayey.

Geel anigu aan u raray Sucuudiga wuxuu xeraysan yahay ilaa 64 maalmood, haddii immika la iibsado wax ka soo noqonayaa ma jiraan iyagaa la wareegaya, waayo wixii laga heli lahaaba kharashkiisia ayay ku baxeen.”

Xiis Cabdilaahi Warsame waxa uu sheegay in Dawladda Sucuudiga ay baadhitaan ku samaysay Caafimaadka Geela laga dhoofiyey Dekedda Berbera, balse aanu jirin wax xannuun ah oo laga helay, haseyeeshee waxa uu aaminsan yahay in arrintani saamayn taban ku keeni karto dhoofka Xoolaha Gaar ahaan Geela.

“Wasaaradda Caafimaadka ee Sucuudigu way baadhay Geela caafimaadkiisa oo tiraba sadddex jeer ayay baadheen wax xannuun ahna lagama helin, haddana maalin dhawayd ayay dhiigga ka qaadeen, dhiiggaas wixii ka soo baxayna war kama hayso, laakiin saamayn xun bay innagu yeelanaysaa, waxaana dhici kartaba inay joojiyaan Geela, markaa rejadaydu ma fiicna,” ayuu yidhi Afhayeenka Ganacsatada Xoolaha Somaliland.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo aanu isku-daynay inaanu la xidhiidhno masuuliyiinteeda si aanu dhankooda wax uga weydiinno eedaha loo jeediyey iyo wax ay kala socdaan xaaladda dhoofka Xoolaha gaar ahaan Geela oo wakhtigan hakad ku jira, ayaan noo suurto-gelin inaanu helno. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda ee aanu xidhiidhka la samaynay, ayaa naga qaban waayey telefonkiisa gacanta oo tiraba dhowr jeer aanu ka wacnay.

Dhinaca kale, saamaynta dhaqaale ee arrintani  keeni karto si cilmiyeysan uga hadlay Prof Cabdi Cali Jaamac oo culuumta Dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Hargeysa, waxaanu isbar-bar dhig ku sameeyey Xayiraad Dawladda Sucuudiga sannadkii 1996kii saartay Xoolaha Soomaalida iyo Xilligan oo ay dawladdaasi hakad-gelisay Geela looga dhoofiyo waddamada Geeska Afrika.

Prof Cabdi Cali oo la weydiiyey saamaynta ay dhacdanani ku keeni karto dhoofka Xoolaha Soomaalida, waxa uu yidhi, “Waxay ku yeelanaysaa saamayn dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana suurta-gal ah inaanay Geelaba ku joogsan ee ay u gudubto Xoolaha kale sida Adhiga iyo Lo’daba, taasina waxay keenaysaa inay si xooggan u saamayso dhaqaalaha gaar ahaan dadka reer Miyiga ah oo marka horeba dirqi ku noolaa, waxa dhacaysa in dhaqaalahoodu hoos u dhaco.

Waxa kale oo ay saamayn ku yeelanaysaa baayac-mushtarigeenunna hoosbuu u dhacayaa, waayo waxaynu leenahay ganacsato xoolaha ka ganacsata.

Waxa kale oo uu saamayn ku yeelanayaa lacagta adag ee waddanka soo gasha oo iyaduna hoos u dhacaysa ama la waayayaba. Waxaanay noqonaysaa mid saamaysa dhammaanba deegaamada Soomaalidu degto.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa yidhi, “Xagga lacagta oo kale, waxa yaraanaya Dollarka oo sarrifkuna wuu qaalli-garoobayaa, markaa waxa la filayaa sidii doorkii hore uu Dollarku u qaalli-garoobay inay noqoto. Waxay saamayn ku yeelanaysaa dadka masaajiinta ah ee marka horeba dakhligoodu ku tiirsanaa lacagta dalka sida dadka caanaha iibiya, dadka dhuxusha iibiya, shaqaalaha dawladda oo waxa dhacaysa inay lacagtu waxba u jari waydo marka doollarku ku qaalli-garoobo.”

Dawladda Sucuudiga ayaa todobaadkii hore sheegtay inay baadhitaan ku wadaan Geela looga dhoofiyo waddamada Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto, kaas oo uu sheegay inay uga shakisan yihiin inuu xambaarsan yahay Virus-ka MERS oo ay u dhinteen dad badan oo ku nool waddankaas.

“Waxa jira shaki aan ka qabno in Xanuunka laga soo dhoofiyey Geela ganacsiga uga yimaadda Geeska Afrika, inkastoo weli caddeymo suggaya la haynin,” sidaa waxa yidhi Dr. Tariq Madani oo Madax ka ah Golaha Talinta ee Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga u qaabilsan Xakamaynta Xanuunka (MERS) oo u warramayey wakaaladda wararka ee Reuters.

Dalka Sucuudiga oo ah Suuqa ugu weyn ee Xoolaha Soomaalida loo iib-geeyo, ayaa sannaddii 1996-kii hore u mamnuucay dhammaan ba xoolaha looga dhoofiyo, ka dib markii lagu sheegay inay qabaan Cudurka Rift Valley, haseyeeshee, sannado badan ka dib dedaallo dheeraad ah oo loo galay, waxa lagu guulaystay in dawladda Sucuudigu cuna-qabataynta ka qaaddo Xoolaha Soomaalida.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment