Digreeto madaxweyne oo shalay lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in degmada Taleex oo hore uga tirsanaan jirtay gobolka Sool ay magaalo-madax u noqonaysa gobolka Xaysimo oo ku biiraya 12 gobol oo hore u jiray.
Gobolka Xaysimo ee madaxweynuhu magacaabay, ayaa ka koobnaan doona Shan degmo oo kala ah Taleex, Xalin, Sarmaanyo, Carrooley iyo God-aalo oo isugu jira qaar hore degmooyin u ahaan jiray qaar madaxweynuhu magacaabista gobolka ku ladhay degmo ahaantooda.War-saxaafadeed lagu baahiyey magacaabista gobolka Xaysimo, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;
Wuxuu Go’aansaday;
In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo.”
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore degmooyin ugu magacaabay saddex degmo oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Saraar kuwaas oo kala ah degmada Aw-boogays oo ka tirsan gobolka Sanaag oo uu digreeto ku magacaabay 1-dii Bishii October ee sannadkii hore. Halka 21-ka Bishii May ee sannadkanna uu degmooyin u magacaabay Gudmo-biyocas oo ku taala Sanaag iyo Ceegaag oo ka tirsan Gobolka Saraar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment