Madaxweyne Siilaanyo, ayaa bishii June horraanteeda xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee xidhiidhka Goleyaasha Aadan Axmed Warsame oo shaqo ka eryistiisa lagu sababeeyey xil-gudasho la’aan iyo tabashooyin la xidhiidha wada-shaqayn la’aan oo masuuliyiinta wasaaraddiisu ka gudbiyeen.War-saxaafadeed lagu shaaciyey magacaabista Wasiirka Cusub ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda oo ka soo baxay afhayeenka Madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Cali Xaamud Jibril, ayaa ka mid ahaa Xubnihii u horreeyey ee xukuumadda Siilaanyo ku bilowday dhismaha maamulkeeda markii ay talada dalka la wareegtay sannadkii 2010 oo ay ku guulaysatay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacay, isaga oo loo magacaabay xilka wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada, haseyeeshee waxa xilkaas laga qaaday Bishii June ee sannadkii hore, taas oo ka dhigan inuu Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo ka sii maqnaa wakhti ku siman hal sanno, isaga oo muddada uu dibad-joogga ahaa isaga dhex-jiray xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo uu xubin fir-fircoon ka yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment