Tuesday, July 8, 2014

Meyka Wiil Soomaali ah Oo Boliska Canada Raacdo ugu jireen oo la Helay

Ottawa:Jully,-8,2014(Himilo)-Ciidamada Ammaanka Dalka Canada ayaa soo saaray Meydka Wiil Somali-canadian ahaa oo muddo la la’aa.

diedeMeydkan Wiilkan oo in muddo ah la raadinayey, ayaa waxa Haatan Gacanta ku soo dhigay Boliska Magaalada Calgaray  oo ka tirsan dalka Canada.

Suryan Giama,oo 25 sano jir ah ayaa qoyskiisu waxay waayeen 17 bishii February isagoo ku sugnaa magalada Calgary ee udhow Woodbine.

Mr Xirsi oo kamid ah Qoyska Suryan ayaa warbaahinta u sheegay  in wiilkooda muddo badan la la’aa isla-markaana la waday Baadhitaanka Geeri iyo Nolol halka uu ku dambeeyey, balse ugu dambayntii Meydkiisa la soo helay.

Waxa uu ninka ay Wiilka Meydkiisa la helay Ehelka  yihiin ee Xirsi lagu magacaabaa sheegay  inaanay boolisku wali si rasmi ah u xaqiijin sababta dhimashada wiilkooda, balse loo malaynayo inay Kooxo Budh-cad ahi Dilkaas geysteen.

Saraakiisha amaanka dawlada Canada ayaa dadka kacodsaday iney usoo gudbiyaan macluumaadka la Xidhiidha Dilka wiilka somaliga ah.

Somalida ku dhaqan waddama qurbaha ayaa inta badan la kulanta dhibaatooyin noloshooda halis geliya oo kaga yimaadda dhinaca Bulshada ay la dhaqan yihiin, waxana  loo geystaan dhibaatooyin gaadhsiisan dhimasho.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment