Sarkiil dowlada Kenya ka tirsan ayaa Warfidiyeenada u sheegay in Ciidamadu ay noqon donaan kuwa ugaar ah Magalada Nairobi si looga hortago weerarada Qaraxyadda u badan ee AL-Shababka Soomaaliya ay ka fuliyaan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.Hadalka dowlada Kenya ayaa ku soo beegmaya xili Xisbiga Mucaaradka CORD ee uu hogaamiyo Raila odiga ay ka dalbadeen dowlada Kenya in Ciidamadeeda ay kala soo baxdo dalka Soomaaliya.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Odinga ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in dadka Kenyaanka ah dhigooda la daadiyo iyo amaan xumada Kenya in ay sii socoto.
Xisbiga CORD ayaa kula taliyay Xisbiga talada haya ee Jubilee in sida ugu dhaqsaha badan ay Ciidamada Kenya uga soo saaraan dalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka Kenya ay ku joogdsadaan weeraradda AL-Shabaabka Soomaaliya ka fulinayaan gudaha dalka Kenya.
Wax faahfaahin ah lagama bixin nooc ay noqon doonaan Ciidamadan Cusub ee magaalada loo samayn doonaa, waxase dhawaan soo baxayey warar sheegayey in Toban kun oo Askari lagu kordhin doono ciidamada Booliska Kenya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment