Wednesday, July 2, 2014

“Mid ka mid ah Kooxdii na afduubtay ee I kufsan jiray ayaa Facebook-gayga igula soo xidhiidhay, iiguna…”

Suxufiyadda Reer Canada ee Amanda Lindhout oo Filim laga samaynayo Buug ay ka qortay Wixii ay la kulantay sannad iyo saddex Bilood Soomaaliya Afduub loogu haystay

Soomaaliya, 02, Julay 2014-(Himilo)- Suxufiyad u dhalatay waddanka Canada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout, isla markaana sannad iyo saddex bilood (15 bilood) afduub Koox Shufto ah oo hubaysani ugu haysteen gudaha dalka Soomaaliya, ayaa laga samaynayaa Filim ka sheekeynaya sidii loola dhaqmay muddadii ay ku jirtay gacanta af-duubayaasha.

Filimkan ayaa waxa jili doonta Rooney Mara oo ah jilaa dunida si weyn looga jecel yahay, ka dib markii Lindhout ay ka qortay buug ka sheekeynaya dhibaatadii loo geystey muddadii ay ku jirtay gacanta afduubayaasha ay sannadka iyo saddexda bilood u qafaalnayd.

Los2Gabadhan ayaa qortay Buug ay ugu magac-dartay; “The House In The Sky” (Gurigii Cirka), kaasoo ay soo jiidatay Shirkadda Annapurna Pictures go’aansatayna inay Filim ka sameyso Sheekadan. Shirkaddan ayaa waxay soo saartay Aflaan ay ku heshay abaal-marinno caalami ah sida American Hustle, Her iyo Zero Dark Thirty.

Suxufiyaddan reer Canada ee Amanda Lindhout iyo Sawir–qaade, Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia, ayaa lagu afduubtay duleedka Muqdisho bishii August ee sannadkii 2008. Suxufiyiintan ayaa waxay ku jireen gacanta afduubayaasha muddo gaadheysa 460 maalmood.

Weriye Lindhout ayaa sheegtay in Buugga ay qortay uu yahay mid ku saleysan fikirkeeda iyo wixii ay aragtay, iyadoo intaas ku dartay ooo sheegtay inay kufsan jireen kooxihii u haystay afduubka. Suxufiyaddu waxay Buuggeeda kusoo qaadday sida qoysaska ay uga wel-weli jireen intii ay afduubka ku jireen iyo sida ay dawladahoodii uga hadheen in ay gacan ka geystaan furdaamintooda ama soo furashadooda.

Lix Boqol oo Kun (600,000) oo Doollarka Mareykanka ah ayaa lagu siidaayay Suxufiyiintan halka lacag intaa la’egna ay heleen dadkii la xaajoonayay afduubayaasha gacanta ku hayay labadan Weriye, kuwaasoo sannad iyo dheeraad ka hor xornimadooda helay oo la siiddaayey.

Amanda Lindhout ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii afduubtay ee falka kufsiga ahna kula kacay uu kula soo xidhiidhay Barta Facebook-geeda, isla markaana uu ugu hambalyeeyay dedaalkeeda ku aaddan gargaaridda Gabadhaha Soomaaliyeed ee la kufsado. “Mid ka mid ah Kooxdii na afduubtay ee I kufsan jiray ayaa Facebook-gayga igala soo xidhiidhay, iiguna hambalyeeyey dedaalka aan ugu jiro gargaaridda Gabdhaha Soomaaliyeed ee la kufsado.” Sidaa ayey tidhi Suxufiyaddan u dhalatay waddanka Canada.

Gabadhan Suxufiyadda ah ayaa markii ay waddankeeda Canada ku laabatay, sheegtay inay ballan-qaadayso inay gargaari doonto sannad kasta Gabdhaha Soomaaliya ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya ee la kulma ama lagula kaco galmada xoogga,  qasabka iyo sharci-darrada ah ee Kufsiga loo yaqaanno.

Himilomedia.com         

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment