
Sheekh Cali Mawliid oo ka mid ah Culimada hawshan khayriga ah isu xil qaamay oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay xubnahi ku qabteen magaalada Burco shalay, ayaa sababeeyey inay ku tallaabsadaan hawl-galkan, waxaanu yidhi, “Markii aanu aragnay in ay jiraan dad badan oo bishaas aan dab shidan, qaar waalwaalan oo wax la siiyo loo la’yahay, dadkana waa laysku eegayaa, sidaas ayaanu iskayo isu xilqaanay inta awoodayada ah.”
Sheekha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Dadkaas dhibaatadu hayso sidii aanu uga dul qaadi lahayn baahidaas gaar ahaan dadkaas, sidaas awgeed waxaan umada islaamka ugu baaqaynaa inay kusoo shubaan Acuonada kala ah -11687 Dahabshiil Account No''58044 Amal iyo Zaad 4432618.”
Nuur Ducaale Diiriye oo isna ka mid ah Ganacsatada reer Togdheer oo isagu si wayn uga qayb qaatay hawshan tabatucaadka lagu ururinayo ayaa yidhi, “Maadaama waxa bisha rabadaan la bixiyaa ay ka ajar badan yihiin waxa la bixiyo bilaha inta kale, ayay nala noqotay inaanu dadka ku baraarujino inaanu dadka baahan la afuriyo.”
Xuseen Qorshe, Xirsi Macawis,Axmed Sakaaro, Cali Suun iyp Mahad Nuux oo iyaguna ka mid ahaa xubnaha Ololaha Taakuladda ah isu abaabulay, ayaa ayaa bulshada ugu baaqay in ay is caawiyaan, kana faa’idaystaan ajriga Sadaqada ku sugnaaday Bisha Barakaysan ee Ramadaanta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment