Tuesday, July 8, 2014

Muqdisho: Ciidanka Taraafikada oo la Hubaynayo iyo Sababaha ka dambeeya

Muqdisho, 08 July, 2014 (Himilo)- Ka dib markii ay tobanka cisho ee aynu ku jirno Bisha Barakaysan ee Ramadaan magaalada Muqdisho lagu dilay Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Trafikada loo yaqaanno, ayay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay Shir ka yeeshay arrintaas waxay ka doodeen sidii loo hubayn lahaa Ciidanka Taraafikada ah si ay isu ilaalin karaan amaba isu difaaci karaan marka la weerarayo.

Waxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya shirkooda ay shalay ku yeesheen Xafiiska Shirarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho, waxay si adag ugaga doodeen weerarrada ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo bilawgii bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo hanjabaadaha sii socda ee weli ka soo yeedhaya Malleeshiyada Al-Shabaab.

Qodobka ay sida aadka ah uga hadleen ama dooddoodu u  badnayd Golaha Wasiirrada ayaa ahaa Ciidammada ilaalinta nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikada oo ah Waax Gaadiidka hagistooda iyo nabadgelyada Waddooyinka u xil-saaran oo ka tirsan Booliska, isla markaana aan hubaysnayn oo markii u horreysay ay AL-Shabaab bartilmaameed ka dhigatay, shan Askarina ay ka dileen 1-dii Ramadaan illaa 8-deedii Ramadaan oo Askariga shanaad la dilay sidii loo hubayn lahaa.

Inkasta oo aanu jirin go’aan ay ka gaadheen Golah Wasiirrada Soomaaliya, haddana waxay diiradda ku saareen Shirkooda in si dhaqso ah xal loogu heli lahaa ka hor-tagga guud ahaan weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Masuuliyiinta dawladda xilalka ka haya, Mudanayaasha Baarlamanka iyo sidii loo fashilin lahaa weerarrada Al-Shabaab soo maleegto, gaar ahaan in suurta-gal laga dhigo sidii loo hubayn lahaa Ciidanka nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikada.

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidammada ilaalada nabadgelyada Waddooyinka ee Soomaaliya Gen. Cali Xirsi Barre uu sheegy in hadallada hanjabaadda ah ee kaga imanaya Al-shabaab aanay u joojin joojin doonin howlaha ay Bulshada u hayaan ee ilaalinta nabadgelyada waddooyinka iyo kala hagidda Baabuurta.

Ciidamada Taraafikada ayaa ahaa kuwo aanay xoogagga dowladda ku kacsan beegsan jirin hadda ka hor, isla markaana ma ahayn Ciidan hubeysan, iyadoo dilka Shanta Askari ee Ciidammadan ka tirsan ay cabsi-geliyeen Ciidanku uu jidadka Muqdisho ka waday.

Afhayeenka guud ee Malleeshiyada Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo Shir Jaraa’id qabtay Axaddii, ayaa sheegay inay wixii hadda ka dambeeya ay beegsan doonaan Askarta Taraafikada oo uu ku eedeeyay inay jidadka la taagan yihiin mushkilad, isla markaana  ay ku yihiin caqabad Bulshada iyo Gaadiidka.

Afhayeenka Ciidammada Midawga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumud oo isaguna ka hadlay ammaan-darrada ku soo badanaysa Muqdisho, ayaa sheegay in sugidda amniga magaalada Muqdisho ay ka maqan tahay kaalintii shacabku ay ku lahaayeen, isaga oo ku dooday in haddii aanay shacabku ka qayb-qaadan sidii loo sugi lahaa ammaanka aanay Ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM waxba ka qaban Karin ammaanka gudaha Caasimadda, sidaa awgeed-na waxa uu u soo jeediyey qaybaha Bulshada ku dhaqan Muqdisho inay Ciidammada is-garab-taagaan oo ay nabadgelyada magaalada si waddaniyad leh oo hagar la’aan ah ugala shaqeeyaan, si nabaddooda iyo ta Qarankooduba u noqoto mid sugan.

Himilomedia.com                                

Hargeysa-Somaliland 

No comments:

Post a Comment