Sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Madaxweynaha, ayaa la filayaa sida uu qorshuhu yahay inuu Salaasada maanta xadhigga ka jaro dhismaha Wasaaradda Duulista oo laga dhisay Jirjirka Koonfureed ee Kedinka laga galo garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo waxoogaa dib-u-hagaajin ah oo lagu sameeyey halkii hore Baabuurta loo dhigi jiray ee gudaha Madaarka (Parking).Waxa lagu wadaa inuu Madaxweynuhu indha-indhayn doono qaybaha kale ee garoonka Diyaaradaha Hargeysa iyo sida ay u socdaan hawlo-maalmeedkiisu wakhtigan lagu jiro Xagaaga oo ay aad u badan yihiin dadka reer Somaliland ee u soo Xagaa-baxaya dalkooda hooyo xilliga fasaxooda, iyaga oo wakhtigan oo kale aad kor ugu kaca duullimaadyada is-daba-joogga ah ee imanaya Madaarka Hargeysa.
Xafiisyada Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa dhawaan u guuray dhismaha cusub ee Wasaaraddaas loo dhisay, iyada oo markii hore degganayd Faras-magaalaha ama Suuqa Caasimadda Hargeysa dhexdeeda, gaar ahaan ka soo hor-jeedka Baar-Hargeysa, halkaas oo la iibiyey 3 sano ka hor, isla markaana ay saddexdii sano ee ugu dambeeyey Wasaaraddu ugu sii jirtay Kiro.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa ka mid ah Wasaaradaha hawl-bawlaha u ah dalka, isla markaana Shaqadeedu tahay Maamulka iyo la socoshada Duulista hawada, Gaadiidka Cirka iyo Maamulka Madaarrada, hase-yeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ee wakhtigan Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa loo arkaa Masuul wada gudan kari waayey Hawsha baaxadda leh ee Wasaaradda uu Maamulo hoos-taga, isla markaana keliya shaqada iyo Masuuliyadda saaran ku koobay Maamulka Madaarrada oo ah mid ka mid ah Shaqada Wasaaraddiisa, balse uu isku koobay.
Waxay dad badani aamminsan yihiin in isku koobidda Maamulka Madaarrada ee Wasiir Maxamuud Xaashi ay caddayn u tahay inuu yahay Masuul Xafiis u gaar ah ku lahaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa intii aanu dhismaha Wasaaradda ka binayn duleedka Madaarka, isaga oo Wasiir Xaashi muddo uu sannadkii hore xidhaa Madaarka Hargeysa oo dib-u-dhis ka socday u wareegay Fadhiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo Diyaaradihii Hargeysa iman jiray markaas loo wareejiyey, wakhtigaas oo ay koobnayd inta laga waayo Wasiir Maxamuud Xaashi Madaarka Berbera, sidoo kalena ay koobnayd inta laga helo xarunta Wasaaradda ee ahayd magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment