Ilaa Haatan wararka aanu hayno ayaa sheegaya in ugu yaraan dad tiradoodu ku dhaw dahay 30-qof ay ku dhaawacmeen shilkaas, kuwaas oo xaaladoodu kala duwan tahay.Gaadhiga shilkan keenay dhacay ayaa ahaa nooca looyaqaan shambooga oo ubaxa tuulooyinka Miyiga, kuwaas oo intooda badan lagu soo raro xoolaha islmaarkaana la saaro dadka xaga sare ee baabuurka.
Gaadhigan ayaa la sheegayaa inuu siday Dad rakaab, xoolo Nool, Dhuxul iyo waxyaabo kale, waxana la sheegaya inay dhuxushaasi sababtay khasaaraha intiisa badan.
Ciidamada nabad galyada wadooyinka ayaa sidoo kale Warbaahinta u xaqiijiyey inay Gacanta ku hayaan wadihii Gaadhigaas khasaaraha keenay.
Dadkii dhaawaca ahaa ayaa Haatan xaaladooda lagula tacaalayaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyadoo xaaladahoodu kala duwan yihiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment