Monday, July 7, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilal Cusub Ku Soo Kordhiyey Xukuumaddiisa

Hargeysa:July,07,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa Magacaabay La-taliye dhinaca arrimaha Bulshada ah iyo Wasiir-ku-xigeen cusub oo ka mid   noqon doona Golihiisa wasiirrada.

roweMadaxweyne Siilaanyo waxa uu Labadaas xil u magacaabay laba dhallinyaro ah oo ka mid Da’yarta Firfircoon eek a dhex muuqday Horumarka kala duwan ee Bulshadu ku soo tallaabsatay.

Dekreetooyinka labadan masuul lagu kala magacaabay ayaa u dhignaa sidatan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

LA-TALIYAHA.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment