Saturday, July 5, 2014

Talyaaniga oo Walaac xooggan ka muujiyey halis Argagixiso Tahriibayaal ah oo ku waajahan dalkiisa iyo Waddamada kale ee Yurub

“Khatartani maaha oo kaliya in Tahriibtu ay sharci-darro tahay, balse waxaa sahla-naanaya arrimaha Argagaxisada. Waxaa jira xidhiidh gaar ah oo ka dhaxeeya Kooxaha wax soo Tahriibiya iyo Argagaxisada.” Madaxa Ciidanka Badda ee Talyaaniga

Roma, 05 July, 2014 (Himilo)- Dawladda Talyaaniga ayaa walaac xooggan ka muujisay halis ay sheegeen inay ka dhalan karto dadka Afrikaanka ah ee Tahriibta ku taga waddankooda iyo dalalka Qaaradda Yurub, kuwaasoo ay ku doodeen inay ku dhex-dhuuman karaan Kooxo Argagixiso ah oo ka gudbi kara Saxaraha Afrika iyo Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya ee ay isticmaalaan muhaajiriintu.

Madaxa Ciidamada Badda ee dawladdaTalyaaniga, ayaa ka digay khatar la xidhiidha in kooxo Argagaxiso ahi ay gudaha u gali karaan dalka Talyaaniga, iyagoo Doomo ka raacaya Liibiya, isla markaana qorshaynaya weerarro ay ka fuliyaan Talyaaniga iyo Yurubta kaleba, waxaana sidaa lagu sheegay War Jimcihii shalay ka soo baxay Madaxa Ciidanka Badda ee Talyaaniga.

“Khatartani maaha oo kaliya in Tahriibtu ay sharci-darro tahay, balse waxaa sahla-naanaya arrimaha Argagaxisada. Waxaa jira xidhiidh gaar ah oo ka dhaxeeya Kooxaha wax soo Tahriibiya iyo Argagaxisada.” Sidaa ayuu yidhi Madaxa Ciidanka Badda Talyaaniga Luigi Binelli Mantelli oo la hadlayay Jariiradda La Stampa, hase ahaatee muu xusin cidda ay sida gaarka ah u tuhmayaan ama tuhunsan yihiin. Balse waxa uu xusay inay Macluumaadkan ka heleen ilo gaar ah oo la waraystay.

Binelli Mantelli ayaa sheegay in shaqadooda aanay ku koobnayn keliya badbaadinta Muhaajiriinta, balse sidoo kale ay Masuuliyadi ka saartan tahay ka hor-tagga wax kasta oo car-qaladayn kara ama halis ku keeni kara amniga waddamada Yurub.

In ka badan 66,500 (lix iyo lixdan kun iyo shan boqol) oo Qof oo Tahriibayaal ah, ayaa sannadkan gaadhay Talyaaniga, iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan ta ay dalalkooda Afrika ku haysteen, waxaanay badankoodu ka soo jeedaan waddamada kala ah Eritrea, Syria, Soomaaliya iyo Mali.

Dawladda Talyaaniga ayaa ka wal-walsan in kooxo u shaqaynaya Shabakadda Al-Qaacida ay gudaha Yurub isaga dhiibaan hab magan-galyo Siyaasadeed-doon ah, taasoo dhinacyo badan saamayn karta sida uu xusay Madaxa Ciidammada Badda ee Talyaaniga Mantelli Luigi Binelli Mantelli.

Himilomedia.com                                        

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment