Saturday, July 5, 2014

Kumannaan Muslimiin ah oo markii ugu horreeyey hal goob oo Marakaykanka ah ku wada-tukaday Salaadda Taraawiixda

Minneapolis, 05 July, 2014 (Himilo)- In ka badan 8,000 (Siddeed kun) oo qof oo ka tirsan Muslimiinta ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa mar qudha ku wada Tukaday Salaadda Taraawiixda xarunta Shirarka ee Minneapolis Convention Center, waxaanay dadkaasi noqonayaan kuwii ugu tirada badnaa ee abid  hal goob sidan oo kale hal habeen ugu wada tukada Salaadda Taraawiixda ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan sida gaarka ah loo oogo.

20147463540079855964235910440776_10204214565267091_2108709713721321219_nKulankan Salaadda Taraawiixda lagu wada tukaday Habeen-hore, oo looga gol-lahaa sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee saboolka ah, ayaa waxa si wada-jir ah u soo agaasimay Hay’adda Samafalka Camuud iyo Ururka Midowga 11 Masaajid oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Salaadda Taraawiixda ah ayaa lagu casuumay inuu Imaam ka noqdo Sheekh Maxamed Jabriil oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Masar ahna Sheekh si aad ah loo jecel yahay Akhrintiisa Qur’aanka Kariimka ah.

Sheekh Axmed Taajir oo ka mida Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota oo ka sheekeeyay taariikhda Sheekha, ayaa xusay in Masaajidka Sheekhu ka tujiyo magaalada Qaahira ay ku tukadaan dad aan la qiyaasi karin, iyadoo ay xidhmaan inta badan waddooyinka Masjidkaas ku dhawi ee magaalada Qaahira. “Toban sano oo aan magaalada Qaahiro deggenaa nasiib uma helin inaan ku-daba tukado Sheekh Maxamed Jabriil, waase nasiib aan kula kulmay halkan.” Sidaa ayuu yidhi Shiikh Axmed-Taajir.

Imaam Shakiib Abqari ayaa isna ka warbixiyay wax-qabadka Amoud Fondation 20 sano oo ay jirtay, isagoo xusay inay ahayd Hay’addii dhistay Cusbitaalka Boorame oo hadda ay ka hawlgalaan shan Dhakhtar oo Mareykan ah, laguna fuliyo qaliinno loo tegi jiray dalalka dibedda. Wuxuu intaas ku daray in Hay’addan ay tahay mid wax weyn u qabatay Muslimiinta ku nool Afrikada Bari iyo dalal ka tirsan Qaaradda Aasiya.

Sidoo kale, Sheekh Xasan Maxamuud Jaamici oo ah Imaamka Masjid Dacwa St Paul, ayaa ka hadlay Midnimada 11-ka Masaajid, isagoo xusay inay ahayd tallaabo sabab u noqotay horumar xag walba ah oo ay gaareen markii uu Midowgaas hiralay.

Dhanka kale, Sheekha oo jeediyay khudbad qiimo badan, ayaa ka codsaday in la taageero Midnimada habeen-hore isagu keentay intaas oo Muslimiin ah oo mar qudha ku tukaday hal meel, waana sii wadi doonnaa buu yidhi Sheekh Xasan Jaamici.

Xubnihii kale ee kulanka ka hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa Maxamuud Cabdi-ra’uf oo ah Nin hore uga tirsanaa Ciyaartoyda Kubbadda Kolayga oo loo yaqaan NBA-da ee dalkan Maraykanka, ayaa la hadlay dhallinyarada ku kortay Mareykanka isagoo ku dhiirri-geliyay waxay higsanayaan inay marka hore ka qiimeeyaan Diintooda, isla markaan ay la yimaddeen niyad-bira si ay u gaadhaan hammigooda.

Gebo-gabadii Kulankaas Muslimiinta inta badan gobolka Minnesota in ka badan 1,000 qof oo ka mid ah Muslimiinta ku nool Mareykanka, ayay u suuro-geli weyday inay soo galaan gudaha Xarunta; waxaana dib u celiyay Ciidammada Booliiska Minneapolis, ka dib markii uu buux-dhaafay Hoolkii loogu talo-galay in Salaadda Taraawiixda lagu tukado.

Dadweynihii ka qaybgalay Salaaddii Taraawiixda ee habeen-hore, ayaa lagu soo qaadayay Basas ka imanayay Xaafadaha Cedar, Karmel iyo St Paul, Jawigu wuxuu ahaa mid wanaagsan. Iyadoo ugu dambeyn Sheekh Maxamed Jabriil uu duco ka akhriyay goobtaas uu ugu duceeyey guud ahaan Muslimiinta caalamka oo dhan meelkasta oo ay ka joogaan, gaar ahaanna Muslimiinta Soomaaliyeed oo ugu duceeyey in Allaah dhibka iyo kala qaybsanaanta ka saaro, nabadgelyo buuxda iyo wada-jirna ugu beddelo.

 

Himilomedia.com                                        

Hargeysa-Somaliland

 

 

 

No comments:

Post a Comment