Thursday, July 3, 2014

Tirada Dad ku dhintay Diyaarad Qaad u sidday Soomaaliya oo Ku burburtay Nairobi

Diyaaradaha Qaadka Keeya Soomaaliya oo tiradoodu Korodhay

 

Nairobi, 03 July, 2014 (Himilo)- Diyaarad Qaad u sidday dalkaasi Soomaaliya ayaa shalay subaxnimadii ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, waxaana ku dhintay Afar qof oo isugu jiray duuliyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee diyaaradda.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kadib markii ay ka duushay garoonkaas, taas oo keentay inay burburto, iyadoo aanay jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaadhay burburkeeda.

Security personnel stand at the site of the wreckage of a cargo plane that crashed into a commercial building on outskirts of Nairobi“Diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka (shalay subax) ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaamo iyo bakhaarro, balse aanay jirin cid wax ku noqotay.

Warku waxa uu intaas ku daray inay dhammaan geeriyoodeen, “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen, Ddiyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taas oo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay booliska.

Qiiq madow ayaa ka kacay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday, kuwaasoo qaar ka mid ah u muuqday inay ahaayeen kuwo qabyo ah oo dhisme ku socday, iyadoo agagaarka garoonka ay ku yaallaan warshado iyo sidoo kale dhismayaal la dagan yahay iyo dukaamo,

Ururka bisha Case e Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka hal qof oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayna wadaan baadhitaanno ay ku raadinayaan dadkii kale ee ku dhintay shilkan diyaaradeed.

Dhanka kale, madaxa garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,  Eric Kiraithe ayaa u sheegay warbaahinta in muddo kooban la xidhay garoonka markii uu shilku dhacay, balse ay dib u fureen, haddana uu garoonku si caadi ah u furan yahay.

Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka Kenya ayaa gaadhay goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo halkaas baadhitaanno ka wada, waxaana diyaaraddan ay ka mid ahayd diyaarado maalin walba Qaadka u soo qaadi jiray Soomaaliya.

Diyaaradaha qaadka ee dalka Kenya uga taga Soomaaliya, ayaa muddooyinkii u dambeeyey aad u kordhay, kadib markii xukuumadda Britain ay si rasmi ah uga mamnuucday dalkeeda ka ganacsiga iyo cunista Qaadka oo ay ku tilmaamntay mid dib-u-dhac ku keenay bulshada isticmaasha isla markaana sababay burbur qoysas badan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment