Tuesday, July 8, 2014

Wasaaradda Maaliyadda oo hirgelinaysa Nidaam Casri ah oo Miisaaniyadda Qaranka lagu maamuli doono

Hannaankan Casriga ah ayaa hirgelintiisu ka dhalatay Hannaanka Maamulka Miisaaniyadda JSL oo beesha Caalamku Majeeratay

Hargeysa, 08 July, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa ku hawlan qorshe lagu hirgelinayo nidaam cusub oo lagu maamulo dejinta iyo nidaaminta miisaaniyadda Qaranka iyo isticmaalkeeda, taas oo qayb ka qaadanaysa kobcinta dakhliga iyo la-jaan-qaadista heerarka caalamiga ah oo lagu dabbaqo  horumarinta miisaaniyadda Qaranka.

samaale1Kulan dorraad lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa oo ay ka qayb-galeen Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo madaxda laamaha wasaaradda maaliyadda, ayaa lagaga hadlay hannaan casri ah oo loogu talogalay in miisaaniyadda iyo lacagaha Somaliland lagu maamulo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kulankaas ka hadlay, ayaa masuuliyiinta laamaha dakhli-ururinta iyo miisaaniyadda ee wasaaradda ku boorriyey inay hawl-maalmoodkooda ay qaranka u hayaan ku dabbaqaan nidaamkan cusub oo uu sheega inuu ka dhashay hannaanka saxda ah ee dhaqaalaha dalka lagu maamulo, isaga oo xusay inuu yahay mashruuc hirgelintiisa caalamku lacag badan ku bixinayo.

“Waxa wax lagu farxo ah in dhawrkii sanno ee u dambeyey miisaniyadeenna uu ka muuqday horumar ballaadhan iyo korodh aad u weyn oo adduunku majeertay, la innaguna bogaadiyey, taasoo ah ta maanta keentay barnaamijka aynu maanta ka wadda hadlayno, oo adduunyadu innagu maalgalinayso oo xoolo badan lagu bixinayo, sidii aynnu u wanaajin lahayn maamulka maaliyadeed ee waddankeenna. Markii la arkay korodhka miisaniyadeed ee waddankeenna ka muuqda. Markii la arkay ilaalinta iyo nidaamka sax ee maaliyadeed ee ka muuqda ee aynu masuulka ka nahay ayuu caalamku ku dhiiraday inuu wax innala qabto, la inagala qaybqaato horumarinta mashaariicda la xidhiidha wanaajinta maamulka maaliyadda,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu masuuliyiintii kulankaas ka qayb-galay ugu baaqay, “Runtii waxaan jecelahay in aynu si fiican ugu diyaargarowno nidaamka casriga ee dalkeenna iyo shaqadeenaba wax taraya. Hawshan Wasaaradda Maaliyadda oo keli ah uma diyaargaroobayso, laakiin dhammaanteen waynu u wada diyaar-garoobaynaa, innaga oo fulinayna go’aanka madaxweynaha qaranku ku qaatay in la habeeyo oo la wanaajiyo maamulka maaliyadeed ee qarankan. Innaga oo fulinayna go’aamada aynu la qaadannay hay’adaha caalamiga ah ee innaga caawinaya mashruucan, markaa waa inaynnu u diyaargaroowna hawshan ballaadhan ee aynnu isugu nimi ee ah habka aynu u casriyenaynno maamulka maaliyadeed qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

“Waxaynnu doonaynnaa in aynu caalamka la tallaabsano, aqoontiisa iyo horumarkiisa, markaa habkii aynnu awal u shaqeynaynay mid ka duwan oo ka horumarsan inaynnu u shaqeynno ayey munaasibadeennu muhiimadeedu tahay.

Marka horeba guud ahaan hay’adaha iyo wasaradaha kala duwan waxaynnu ka shaqaynnaa wax allaale iyo wixii la xidhiidha maaliyad, lacag iyo dhaqaale. Runtii waxaad odhan kartaa dhaqaalaha iyo maaliyaddu waa halbowlaha ummadda, waana shayga haddii Ilaahay siiyo ay ummaddu wax qabsan karto, haddii ay waydana burburayso,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment