Tuesday, July 8, 2014

Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo Agab-Ciyaareed Dhamaystiran ku wareejiyay Kooxda ku Ciyaarta Magaca TV-ga

Hargeysa, 08 June, 2014 (Himilo)- Maareeyaha Telefishanka Qaranka Md Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa qalab Ciyaareed oo dhamaystiran ku wareejiyay Kooxda ku Ciyaarta Magaca SLNTV ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibada loo qaybta wareejinta agab-ciyaareedka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa ka qayb-galay Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Qaasim Xasan Mataan, Agaasimaha Farsamada ee Wasaarada Warfaafinta Axmed Saleeban Wayne, Ciyaartoyda Ku ciyaarta Magaca SLNTV iyo Marti sharaf kale.

2Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay tababaraha Kooxda SLNTV Farxaan Mukhtaar oo sheegay inay Ku faraxsan yihiin Qalab ciyaareedka ay heleen, waxanu tilmaamay inay waajibka la saaray ka soo bixi doonaan, kuna dedaali doonaan tayaynta ciyaartoyga iyo qaab-ciyaareedkan.

“Waxaan u mahadcelinayaa Maareeyaha TV-ga Qaranka iyo Masuuliyiinta kale, farxad ayay nootahay in aanu maanta (shalay) helo qalab ciyaareedkan dhammayska tiran, anagoo u ciyaarayna SLNTV, waxaanu ballan qaadaynaa inaanu ka soo bixi doono waajibkaa nala huwiyay Insha Allah, kooxdana waxan kula dardaarmayaa inay ilaaliyaan sumcadooda, iskana jiraan Aafooyinka tahriibka iyo balwadaha,” sidaa waxa yidhi tabobaraha Kooxda SLNTV Farxaan Mukhtar.

Agaasimaha Farasamada Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Eng Axmed Saleeban Wayne oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhalinyarada ku dhiiri galiyay inay waddaan dedaalka ay tubtiisii hayaan, “Haddaanu nahay masuuliyinta wasaaradda Warfaafinta farxad ayay noo tahay inaanu guddoonsiino, dhalinyarada waxaan ku dhiirigelinayaa inay dedaalkaa ay wadaan sumcad u soo hoyn doonaan TV-ga Qaranka, waxan dhalinyarada kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan waxyaabaha xun ee tahriibka iyo balwadaha, markasta waxaanu ku dadaalaa inaanu dhiirigalinyo dhalinyarada, wixii kalena waa la idinla qabanayaa,” ayuu yidhi Eng Axmed Saleeban Wayne.

Geesta kale,  waxa halkaasi ka hadlay Maareeye ku-xigeenka SLNTV Qaasim Xasan Mataan, waxaanu yidhi, “Waxaan aad u soo dhawaynayaa dhalinayaradan, waxaanu aad u ugu faraxsanahay inaanu kulano anagoo u diyaar ah iyo iyagoo dedaalaya,waxaan leeyahay qalinka laabta ku haysta kubaddana ciyaara, baahidu way badantahay laakin qofnimada in la dhiso, ayaa ka wanaagsan, waxan idinkula talinaya inaad dalkiina aamintaan,waxaanu idinku ballan-qadaynaa inaanu socdaallo gobollada ah idin qaadi doono,”ayuu yidhi Qaasim Xasan mataan.

Gebogabadii munaasibada, waxa ka hadlay Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta farxad ayay noo tahay inaanu idin gudoonsiino agabkan yar oo baahidiina waxyar ka tari doona, tani waxay ka turjumaysaa siyaasadda xukuumadda ee ah in dhalinyarada la gacan qabto, ciyaaruhu wax kasta dhalinyarada way kala dagaalaman sida balwadaha iyo tahriibka, qofka kubadda ciyaaraha waa qof furfuran, waxa uu isboortigu dhiirigalinayaa is-dhexgalka dhalinyarada, wanu idin dhiirigalinaynaa,waxbadan waanu idinla qaban doonaa,”ayuu yidhi Khadar Xasan Cali Gaas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Waxa tusaale idinku filan ciyaartoydiinii hore oo waxna bartay kubaddana ciyaari jiray, markaa kubadda uun ha aamininee waxbarashadiinana waa inaad wadataan, noloshiina ha ka dhigina kubadda oo kaliya, laakin mustaqbalkaaga kale waa inaad dhistaa, Anaguna TV ahaan waxanu dhiirigalinaynaa in dhalinyaradu dalkooda Aaminaan, inay is dhexgalaan, dalkeena aynu aamino, waxanu rajaynaynaa inaan intan ku koobnaan ee xidhiidh wanaagsan inaga dhexayn doono,”ayuu yidhi Maareeyaha Tvga qaranka.

Ugu dambayntii, waxa uu Maareeyuhu halkaas aqab-ciyaareed dhammaystiran ku wareejiyey kooxda dhalinyarada ah ee ku ciyaari doonta magaca Telefishanka Qaranka Somaliland.

Himilomedia.com                                

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment