Sunday, July 6, 2014

Wasiirk Biyaha Oo Bogaadiyey Tallaabada Madaxmweyne Siilaanyo Ku Magacaabay Gobolka Cusube Ee Xaysimo

Hargeysa:July,06,2014(Himilo)-Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabbdule ayaa Noqday Masuulkii ugu horreeyey ee ka fal-celiya Tallaabada uu madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Gobolka Xaysimo oo xaruntiisu tahay Taleex.

hembeWasiir Xuseen ayaa bogaadiyey tallaabadaas, waxana uu ku tilmaamay Guul u soo hoyatay qaranka Somaliland.

Wasiir Xuseen oo kamid ah Wasiirada dhalasho ahaana kasoo jeeda Gobolka Cusub iyo gobolada SOOL Iyo SANAAG ayaa sidoo kale shacbiga Reer Taleex ku bogaadiyay Farxada iyo guusha gobolka Cusub.

Waxana uu Prof Hussein tilmaamay in Xukumadda Maanta Ee Uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne DR Axmed Silaanyo tahay midii u horeysey ee il dheer ku eegta uxaqsooridda Goboladda Dalka taaso buu yidhi si cadaala ah Ugu Garsoortay isagoona carabka ku adkeeyay farqiga udhexeeya sidii ay ka xukumad ahaan haatan uga go'an tahay wax uqabashada gobolada bari oo ay Xukumadihii hore ka caageen.

Wasiirka ayaa dhowaan qayb ka ahaa socdaalkii Tariikhiga Ahaa ee Wefti Wasiiro xukumadda Ka Tirsani Ku tageen Deeganadaasi Taleex kaaso la odhan karo waxa u noqonayaa mid ay ku soo dheehdeen Quluubta shacbiga deeganadaasi oo ay dareemeen siday ay uga midaysan yihiin mabda qaranimadda iyo gooni isu Taaga Somaliland.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment