Sunday, July 6, 2014

Xukuumadda Somaliland Oo Tijaabisay qalabkii lagu maamuli lahaa Hawadeeda Sare

Hargeysa (Himilo)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay dhammeystirtay diyaar-garow ay ugu jirtay inay iskeed u hanato maamulka Hawada Sare oo gacanta ugu jirta hay’adda ICOA oo Duullimaadyada Caalamiga ah iyo Madaarrada u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Mr Saddam Maxamed Axmed, ayaa lagu shaaciyey inay Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay inay iskeed u maamulato hawadeeda, haseyeeshee waxa lagu xusay war-saxaafadeedka digniin loogu jeediyey Qaramada Midoobay halis ammaan-darro oo ka dhalan karta haddii maamulka hawada Somaliland lagu wareejiyo Soomaaliya.

duulista (2)Warsaxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan: “Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd  una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay  hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.


Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli  lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaradaha adeegsanaya Hawadeeda sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabo ahaanba.

Hawshani loogu diyaar garoobayo  maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo waddan shisheeye.

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn  ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders).”

duulista (1)Maamulka Hawada Sare ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay, ayaa tan iyo burburkii dawladdii Dhexe ee ay labada dal ku midaysnaayeen, waxa uu gacanta ku haysay hay’adda ICOA, haseyeeshee waxa khilaaf ka taagan yahay isla markaana aan laga heshiinin Ciddii ay Qaramada Midoobay sida tooska ugu wareejin lahayd maamulkeeda.


Dawladda Soomaaliya, ayaa dhowaan shaaca ka qaadday inay bisha tobnaad ee sannadkan si rasmi ah ugala wareegayso Qaramada Midoobay maamulka Hawada Soomaalida ee hay’adda ICOA gacanta ku hayso, taas oo ay Somaliland ku jirto.

Balse Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo dhowaan socdaal ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hay’adda ICOA Xafiis ku leedahay isla markaana kulamo lagaga hadlay sidii ay Somaliland gaar ugu noqon lahayd maamulkeeda Hawada, ayaa sheegay in aanay Somaliland marnaba yeeli doonin in dalka Soomaaliya laga maamulo Hawadeeda.

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment