Af hayeenka wasaarada arrimaha Siciid Cali Muuse ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga waramay ujeedada kulankan iyo waxyaalihii lagaga wada hadlay waxaanu yidhi:-
“Maanta oo Axada ahayd Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mohamed Biixii Yonis, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muzaffer Yuksel. Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Debedda ayaa la xidhiidhay is-barasho waxaana laga wadahadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland. Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxa ka mid ahaa mashaariicda dawlada Turkeygu ka fulinayso jamhuuriyada Somaliland, oo ay cusbitaaladu ka mid yihiin iyo mashaariic kale. Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland uu wax badan oo uusan hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka caasimada Somaliland ee Hargeisa. Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somaliland ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wadahadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Somalia.Munaasabada waxa joogay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowleed Mohamed Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Ali Ahmed Osman, oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment