Illaah baa mahad leh, Illaaha jeclaysiiyey muuminiinta Ramadaanta, nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii hogaamiyaha u ahaa inta Alle rumaysan ee caabudda.
Waqti kasta ama sanad kasta inta aanay Ramadaan inoo soo gelin quluubta dadka muuminiinta ahi way soo dhawaysaa oo ku faraxdaa Ramadaan iyagoo u xiisaya bishan qiimaha leh, taasna sababteedu waxaa weeye Nuurka Illaahay u yeelay bisha Ramadaan kuna qurxiyey.
Waa nuurka cibaadaba , daacada iyo la-faqida Alle SWT, qofka muuminka ahi wuxuu doon doonayaa nuurarkaas, si nuur kiisa, nuur ugu sii siyaadsado, bisha Ramadaan waxaa buuxa nuurar is kor saaran. Sidaynu uga faa’iidaysanaa nuurarkaas uguna dedaalnaa?
Hadaba, aan ku soo ururiyo nuurarka Ramadaan aynu u baahanahy inaan ka faa’iidaysano
1- Ikhlaas.
In qofka muuminka ahi daacad kasta oo uu qabanayo Illaahay dartii u qabtaa oo Illaahayna wax kaga doonaa.
2- Adkaysi iyo dedaal.
Wuxuu Nebigu (NNKHA) ku yidhi nin ka mid ah Saxaabadiisii, “Marka dadku ku maqshuulaan ee kaydsadaan dahabka iyo lacagta, adigu ha ilaawin inaad tidhaahdo Illaahow waxaan ku waydiistay inaan diinta ku sugnaado iyo inaan xejisto hanuunka.”
3-Nuurka Axkaamta soonta.
Waa nuur kale inaad barato axkaamta siyaamta oo aad ogaato waxa soonkaada wax yeelaya iyo waxa qurxinaya.
4-Nuurka Salaadaha shanta ah.
Salaadaha shanta ah oo Jamac lagu tukadaa waa nuur Illaahay SWT uu ka dhigay nuur, hadii aad shantooda ku tukato jamac waxay u dhigantaa 27 midkiiba markaas waa 5x27=135 derejo ,waa shay mudan inaan ilaashano .
5- Nuurka Quraanka.
Qur’aanka oo aan akhrino waa nuurka Ramadaanta iyo bilaha kaleba, ma doonaysaa inaad saddex cisho ku khatinto Qu’raanka? Bal ila eeg qiimayntan:
Salaadda la eedaamo soo gal masjidka oo akhri Juz Qur’aan ah intaan la aqiimin, marka la tukadana akhri hal juz oo Qur’aan, waa laba Juz. Salaad kasta waxaad akhriday 2 Juz isku dar, (5x2=10) waa toban Juz. Sadex cisho ayaad ku dhamayn Insha Allaah, Nuurun calaa nuur.
6-Nuurka Sunnayaasha
Guri ka dhiso Jannada oo tuko 12 rakcadood oo sunne ah; 4 duhur ka horeeya 2 duhur ka danbeeya , laba Maqrib ka danbeeya, laba Cishe ka danbeeya, laba Subax ka horeeya. Wuxuu yidhi Rasuulkeenu SCW; ‘Qofkii 12 kaas Sunne tukada Jannada ayaa guri looga dhisaa’.
7- Nuurka Afurinta masaakiinta,
Haddii aad qof sooman afuriso waxaad helaysaa ajarkiisii mid la mid ah iyadoo aan ajarkiisana waxba laga jarin, sidaas waxaa inoo caddeeyey Xabiibkeena SCW.
8-Nuurka: Xajj iyo Cumre aad fadhiga ku hesho ajarkooda.
Ma ogtahay in qofku isagoon Xajka aadin uu fadhiga iyo hawl-yaraan ku helayo Fadliga Xajka. Wuxuu yidhi Xabiibku (SCW): ‘Wofka inta uu tukado Salaadda subax ka dib sii fadhiista isagoo Illaahay xusaya wuxuu ka dhigan yahay qof Xaj iyo cumro gutay.’
9- Nuurka : Maalin soon oo dhowr maalmood ha noqoto.
Haddii marka afurrada aad afuriso dad baahan, waxaa lagu qorayaa ajarkooda oo kale, waxay ka dhigan tahay hadii aad afuriso 10 qof inaad soontay 11 soon ama cisho, waayo qofkasta oo aad afurisay ajarkiisii oo kale ayaa laguu qorayaa.
10-Nuurka Laylatul Qadriga, cimrigaga ku darso 83 sano.
Haddii aad isku taagto Illaahay dartii habeenka Laylatul Qadriga, waxaad ka dhigan tahay haddii Alle aqbalo in cimrigaagii 83 sanno oo cibaado ah lagu kordhiyey oo khayraad ah.
11- Nuurka: Qaraabo xidhiidhinta.
Haddii aad xidhiidhiso qaraabadaada waxaa kuu kordhaya oo ku barakoobaya afar; cimrigaaga, maalkaaga iyo awlaaddaada, Illaahayna wuu kugu jeclaanayaa .
‘Qofka doonaya in cimrigiisa dib loogu dhigo Rizaaqadana loo barakeeyo, Riximkiisa ama qaraabadiisa ha xidhiidhiyo,’ waxaa sidaas yidhi Xabiibkeena SCW.
12-Nuurka Ducada.
Intaadan Afurin ama Suxuuran bal waxaad qorataa dhowr duco oo xafid ama waraaq ka akhri oo akhriso, waxaa xaqiiq ah in Illaah ka aqbalyo waayo qofka Sooman ducada laguma soo celiyo.
13- Nuurka Salliga Nebiga SCW.
Badso inta aad sooman tahay iyo waqtiyada kaleba Salliga Nebiggeena SCW waxaad ka helaysaa ajjarr aad u badan oo ilaahayna kuugu naxarriisto e .
14- Nuurka , wanaag-farista iyo Xuman-reebidda.
Ku dedaal inaad dadka u sheegto wanaagga xumaantana ka reebto waayo waa sifada dadka muuminiinta ah.
Ha u fahmin in wanaag-faristu tahay minbar laga hadlo iyo sameecado waawayn oo laga wacdiyo oo keliya ogow in wanaagga dadka aad ku fari karto qoraal iyo hadalba. Ku dedaal inaad nuurkan ka faa’iidaysato oo dadka wanaagga ka gaadhsiiso meeshii aad kari karto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment