Thursday, July 3, 2014

Xildhibaan Baarlamaanka Somalia Ka Tirsan Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho:July,03,2014(Himilo)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa Maanta lagu khaarajiyey Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka Somalia iyo ilaaladiisii.

bastooladDilka ayaa waxaa fuliyay Dhalinyaro la sheegay inay ku labisnaayeen Direyska Ciidamada DFS gaar ahaan kuwa Ciidamada Milateriga, waxana xildhibaankaasi xilliga la dilayey uu ka soo Baxay Huteel uu halkaas ka deggenaa.

Xildhibaanka la xaqiijiyay inuu dhintay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan Maxamed Xasan Xayd oo ka mid ahaa kuwa  ugu caansan Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ee muqdisho ku sugan.

Warar kale oo aan wali la xaqiijin ayaa sheega in Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka isagana dhaawac garabka ah la gaadhsiiyey,isagoo ku sugnaa isla goobta midka dhintay lagu dilay.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday Dhalinyaradii dilka geystay, waxaana durbadiiba goobta soo gaadhay Ciidamada Ammaanka Degmada, iyadoona halkaasi ka qaaday dhaawaca Xildhibaan Coonka.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaasta lagu dilay Xildhibaanka iyo midka la dhaawacay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad shacab ah oo xilligaasi goobta ka agdhawaa.

Ilaa iyo hadda waxa isagana geeridiisa la xaqiijiyey mid ka mid ah ilaaladii gaarka ahayd ee Xildhibaanka Geeriyooday.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment