Thursday, July 3, 2014

“Aniga iyo madaxweynahaha dhibaato nama dhextaallo, arrintan aan maanta dawladda kaga baxayna waxay ahayd……”Maxamed Cabdilaahi Cumar

Hargeysa:July,03,2014(Himilo)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta dalka dib ugu soo noqday, ayaa faahfaahin ka bixiyey Arrimo ay ka ay ka mid yihiin khilaakii xisbiga Kulmiye ee Xilkiisa Sahayday iyo Tanaasulkii dambe ee uu Guddoomiye Muuse Biixi shaaciyey.

ina muMaxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta warbaahinta ugu warramayey Madaarka Magaalada Hargeysa, ayaa Tanaasulka Muuse Biixi ku macneeyey mid shakhsiyan ah oo kaligii gaar u ahaa, isla-markaana uu isagu  jeclaa mar walba in la isku soo dhawaado,

“Arrinta Muuse Biixi, Musharraxnimadiisa iyo go’aanka dambe uu qaatay waa Go’aamo shakhsi ah, aniguna doorkaan ku lahaa waxa uu ahaa in khilaafka xisbiga dhexdiisa ka jirana loo dhameeyo si nabadgelyo iyo odaynimo leh loo dhameeyo, waxana aan ku faraxsanahay in khilaafkii sidii hore uu kasoo dhamaaday, waxanan jecelahay inaan ka qayb-galo sidii si wanaagsan loogu soo gunaadani lahaa.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi.

Maxamed Cabdilaahi  waxa uu ku adkaystay inaanay jirin wax dhibaato ah oo isaga iyo madaxweynaha dhexdooda taalla balse ay ku kala tageen kala duwanaansho xagga fikirka ah, waxana uu yidhi,

“Aniga iyo madaxweynahaha dhibaato nama dhextaallo, madaxweynuhuna waa masuul aani si weyn usoo wada shaqaynya markii aanu mucaaridka ahayn iyo afartii sano ee aan dawladda ku jireyba, waxana aan is leeyahay waxan ahaa  ninka ay madaxweynaha iskugu dhaw yihiin, haddii ay fikrad noqoto iyo  haddii ay talo noqotaba, arrinkan aan maanta aan dawladda kaga baxayna waxay ahayd farqi xagga fikirka ah oo nasoo kala dhex galay oo arrimo aan aan xalkooda si u arkayey ayaa lagu kala duwanaaday.”

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa xilkii wasiirnimo laga qaaday markii uu si cad kaligii Golaha xukuumadda dhexdeeda uga muujiyey Debecsanaan dhinaca Muuse Biixi ah, waxana uu Haatan dalka ka Maqnaa muddo Bil ah, isagoo sheegay inuu nasasho soo qaatay.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment