
Sarkaalka ayaa sheegay in dilalkani ay dhaceen intii u dhaxaysay bishii November iyo bilowga bishan December oo ahayd maalmihii dagaalada Qadhaadh lagula jirey Ururka Awoodda Badan ee Daacish.
Saraakiisha duqeynta lagu dilay ayaa lagu kala sheegay Xaji Mutazz oo dhinaca maamulka u qaabilsanaa hogaamiyaha ururka ISIS, Abubakar Al-Baqdadi.
Sarkaalka kale ayaa lagu sheegay Abdel Baset oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey militariga ururka. Sarkaalka saddexaad ayaa magaciisa lagu sheegay Radwin Talib oo ahaa sarkaal heer dhexe, amiirna ka ahaa magaalada Mosul.
Warkan ayaa soo baxay, iyada oo saraakiisha militariga ee Maraykanku ay sheegeen in tiro ka badan 1300 oo weerar oo dhinaca cirka ah iyo ciidan ammaan oo xoog badan oo dalka Ciraaq ka socdaa ay raad weyn ku yeesheen dhimista awoodda ururka ISIS, dalka Ciraaq gudihiisa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment