Friday, December 19, 2014

Xubno Ka Tirsan Mucaaridka Kenya Oo Waaran Qabasho ah Loosoo Jaray Iyo Sababta Ka Dambaysa

Nairobi:Dec,19,2014(Himilo)-Xubno kamid ah Siyaasiyiinta Mucaaridka Kenya, ayaa loosoo gooyey waraaq soo qabasho ama waaran ah, taas oo salka ku haysa Eedo Xisbiga Muxaafidka ahi usoo jeedinayo.

coureSababta Waraaqaha soo qabashada ah loogu soo jaray Saraakiisha mucaaridka ka tirsan ayaa lagu sheegay inay si ula kac usoo abaabuleen mudaharaad la doonayey in Baarlamaanka Hortiisa laga dhigo si looga hortago sharciga ammaanka oo buuq badan kadib shalay la meelmariyey.

xadhigan ayaa ku wajahan Seneterka deegaanka Kakamega Bonnie Khalwale iyo xildhibaanka degmada Budalangi Ababu Namwamba, ahna xog hayaha guud ee xisbiga ODM.

Hogaamiyaashan ayaa loo jeediyay eedeyn la xidhiidha in ay soo qaban qabiyeen dibad baxa loogu magaca daray “occupy parliament” kaasoo looga soo hor jeeday sharciga amaanka ee hor yaallay golaha sharci dajinta ee Baarlamaanka.

Khalwale iyo Namwaba ayaa waqti kooban la xidhay shalay aroorti iyaga oo uu wehlinayay Seneterka Seneterka Bungoma Moses Watag’ula, kadib markii uu bilowday mudaharaadka looga soo horjeeday ansixinta hindise sharciyeedka.

Xeerka sugida amaanka ee ay dowlada soo hindistay ayaa shalay maqribnimadii waxaa ansixiyay xildhibaanada baarlamaanka ee dalka, xili ay markaas aqalka baarlamaanka ka socdeen fowdo iyo buuq ku saabsan sharcigaasi.

Mudanayaasha garabka Mucaaradka ayaa si weyn ugu gacan seydhay ansixinta xeerkan oo ay hore u diideen isla markaana ku tilmaameen mid wax u dhimaya xuquuqda shacabka Kenyanka ah.

Dhanka kale baarlamaanka ayaa shalay Baas mariyay oo ansixiyay soo magacaabida wasiirka arimaha gudaha Joseph Nkaissery, kaasoo uu dhawaan xilkaas u magacaabay madaxweynaha.

Baarlamaanka ayaa xili ay dhamaan shacabka ka daawanayeen Televishinka qaranka, waxaa ka dhacay fowdo xoog leh oo sababtay in qaar ka mid ah xildhibaanada laga saaro aqalka.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment