Saturday, December 20, 2014

Tirada dad ku dhintay dagaal Xoolo Dhaqato Soomaali iyo Masay ah ku dhex-maray dalka Kenya

Kwale, 20 Dec, 2014-(Himilo)- Ugu yaraan afar Ruux ayaa geeriyootay, tiro kalena way dhaawacmeen, ka dib markii dagaal ku dhexmaray gobolka Kinango oo ku yaalla Xeebaha Kenya Dad Xoolo-dhaqato Soomaali iyo Masay ah oo deegaankaas wada dega.
Guddoomiyaha deegaanka Kwale Mr. Evans Achoki, ayaa sheegay in Soomaalida iyo Masaydu ay isku haystaan dhul-daaqsimeed deegaanka ku yaalla, isqabsigaasina keenay in lagu dilo dagaal dhex-maray laba Masay ah iyo laba Soomaali ah.
SOOMAALI IYO MASAY KU DAGAALLAMAY KENYA“Afarta qof waxaa lagu dilay Baangayaal labada dhinac ku dagaallameen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiiye Achoki oo warbaahinta la hadlayay.waxaanu intaas ku daray in colaadda labadan Bulsho ay xudunteedu tahay deegaanka muran ka dhashay lahaanshaha deegaanka lagu dagaallamay oo Barwaaqo ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha deegaanka Kwale, ayaa sheegay in deegaanka la geeyay Ciidammo fara badan si ay xasilloonida u soo celiyaan, nabadgelyadana u sugaan. Waxaanu xusay inay jirto baqdin laga qabo inuu dhaco aar-goosi dhexmara Bulshooyinkan wada dega dhulka ay isku haystaan.
“Waxaan wadnaa baadhitaan ku saabsan sida dagaalku ku dhacay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kwale Achoki, waxaanu intaas raaciyey; “Beelahan waxaan u dirnay codsi ah inay xaaladda dejiyaan oo ay nabadgelyada iyo wada-noolaashahooda ka shaqeeyaan, khilaafkana wadahada iyo si nabad ah lagu dhammeeyo.”
Achoki wuxuu sheegay in Xukuumadda Kenya ay qabanayso kulan la isugu keenayo Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee Masayda iyo Soomaalida, si ay u wada-hadlaan una xalliyaan colaadda dhexmartay iyo wixii sabab u ahaaba, dib-u-heshiisiinna ay u kala saxeexan lahaayeen.
Deegaannada Xeebta dalka Kenya ku yaalla, ayaa waxaa wada-daga Beelo kala duwan oo Kenyan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Soomaalida iyo Masayda, iyadoo aanay jirin dagaallo hore u dhex-maray Soomaalida iyo Masayda. Mas’uuliyiinta deegaanka ay dagaalladu ka dhaceen ayaa warbaahinta u sheegay in xalaaddu ay hadda tahay mid deggen laguna dedaali doono sidii loo sii adkeyn lahaa nabadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment