
Madaxwayne Ku Xigeenka ayaa la sheegay in uu Magaalada Joogi doono waqti cayiman, waxana uu kulamo la leeyan doonaa waxgaradka iyo Salaadiinta Reer Borama iyo deegaanada ku xeeran.
Mudane Saylici ayaa la sheegayaa in ujeedada socdaalkiisu yahay kaliya dejinta xaalada galbeedka oo si adkaatay kadib markii wasiiro labo asbuuc fadhiyay Magaalada natiijo la,aan kala hoydeen xal u helida Suldaanka fallaagoobay oo xaalad ka aloosanaya deegaano gobolkaas ku yaalla.
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo waftiga uu wato ayaa magaalada inta ay joogaan la filayaa inay madaxda Xukuumadda Gobolkaas u qaabilsan kulamo la yeelan doonaan, waxana ugu weyn oo waftigan laga filayaa inay soo afjaraan Xaaladda uu abuuray suldaan wabar ee ammaanka lagu khalkhalgelinayo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment