
Saraakiisha Booliiska ayaa ka codsaday Shacabka in ay ku soo wargeliyaan hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan macluumaad ku aadan ragga eedeeysanayaasha ah.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Maxamed Kuno oo ah Somaali-Kenyaan kana soo jeeda magaalada Gaarisa uu Xarakadda Alshabaab u qaabilsan yahay howlgallada Jubbooyinka.
Waxay kaloo saraakiishu cadeeyeen in Kuno yahay isku xidhaha Alshabaab ee gudaha Kenya, gaar ahaan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab,
Kuno ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii lagu dilay bishii hore ee November 28 qof oo saarnaa bas marayay meel u dhow magaalada Mandera.
Ninka Labaad ayaa Boolkiisku sheegeen inuu yahay Maxamed Iimaan waxaa lagu eedeynayaa inuu qeyb ka ahaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay gudaha dalka Kenya marar kala gadisan.
Hay’adaha amaanka ayaa codsaday shacabka inay ka qayb qaataan sidii lagu heli lahaa ragan oo la rumaysan yahay in dalka Kenya dhex joogaan.
Kenya tan iyo markii Ciidamadeedu talaabadeen Soohdinta ay la leedahay Soomaaliya sanadii 2011-kii waxaa ka dhacay weeraro ay kala kulantay khasare baaxad weyn.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment