Thursday, December 18, 2014

“Waxaan leeyahay Haddii Suldaan qaldamay Tolkii baa u quman oo u diyaar ah inay soo qabtaan oo tubta toosan tusaan, haddii dhalinyaro….”Xildh. Axmed-yaasiin sheikh Cali

Hargeysa:Dec,18,2014(Himilo)-Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Awdal, ayaa markii ugu horraysay waxa uu ka Hadlay Xaaladda ka dhalatay Suldaanka Fallaagoobay ee Reer Awdal iyo xiisada Deegaankaas ka aloosan oo sii xumaanaysa.

axmedyaasiinXildhibaan Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in xaaladda kacsan ee Reer Borama salka ku Hayso tabashooyin iyo caddaalad darro badan oo ay tirsanayaan oo marar badan waxba laga qaban waayey,

“Waxaan jeclahay inaan Mushtamaca u iftiimiyo tabashada reer Awdal halkay ku salaysan tahay, haddaan dib ugu noqdo tabashadaas intii Somaliland jirtayba Reer Awdal wax wey tabanayeen oo mar walba Bani’aadamka waxbaa ka dhiman. Hase ahaatee markii ay sii badatay ee Dadku iyagoo Wefti ah Xukumadda u imanayeen ee ay lahaayeen kolba waxan baan qabnaa waxay ahayd intii Xukumaddani Kulmiye talada qabatay.Cabashadii u horaysay waxaa Madaxweynaha loo gudbiyay 2011-kii bishii 4-aad, waxaa u gudbiyay Xildhibaanada laba Gole ee Awdal ka soo jeeda,lagamana jawaabin. Tabashaduna maaha wax malo awaal ah ee waa tabasho si cilmiyeysan loo qoray oo Madaxweynaha loo gudbiyay. 2012-ka Bishii November ayaanu haddana mar kale tabashadii saxaafadda u marinay Madaxweynaha, isla Bishaa Madaxweynuhu Boorama ayuu yimid oo Odayaasha oo uu la kulmay ayaa yidhi Tabashadaas baanu qabnaa.Waxa Qalin inaad ku qorto u baahan maxaa keenay in Qori caaradii aad ku Suuliso. Waxaan leeyahay Dalkan Xikmad ha lagu maamulo, Somaliland reer Awdal waxay ka yihiin iyo Lexejecladooda halkay kaga jirto waa la yaqaane.Maalintii dhaweyd ee aanu ka baxnay Mooshinkii Golaha wakiilada ee Somaliland oo dhami noo hambalyaynaysay, Kuwa Bullooyinka u dhaw Jigjiga jooga ayaa igu lahaa Qaranimo ayaad badbaadiseen, waar Gadabuursiga Itoobiya jooga ayaa Qaranimo u yaqaan Somaliland ee yaan been la isku sheegin” ayuu yidhi Xildhibaanku

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu ka jawaabay Hadal dhawaan Wasiirka Gaashaaniga Mr Caddami ku difaacay joogitaanka Ciidanka ee Awdal “Wasiir Caddami waxaan leeyahay Ciidanka qaranku waa Ciidankayagii maalinkasta Inan Reer Boorama ah ayaa ku soo dhinta Qorilugud ama Kalshaale ama Gambadha, Dhiigayagii iyo dadkayagii weeye Ciidanka qaranku ee Colaad ha noo galin ee gee halka looga baahan yahay.Ciidan uma Baahna Boorama ee Caddaalad bay u baahan tahay ee Ciidanka halka looga baahan yahay gee Wasiir” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in Suldaanka Cadhooday ee Wabar uu yahay Nin cadhooday balse Tolkii oo isku dayay inay u caqli celiyaan ay Xukumaddu qalin daartay ka dib markii ay Ciidan u adeegsatay, waxana uu yidhi,“Waxaan leeyahay Haddii Suldaan qaldamay Tolkii baa u quman oo u diyaar ah inay soo qabtaan oo tubta toosan tusaan, haddii dhalinyaro gadoodayna Oday dejiya ayay leeyihiin, waxaad arkayseen Odayaashii, Mutacalinkii,waxgaradkii oo dadkooda nabada kala hadlaya oo ilaashanaya, haddana ilaa hadda Boorama inta shacbi joogta Ciidankaa ka badan”.

Axmed yaasiin sheikh Cali Ayaanle, ayaa kamid ah Mudanayaasha Firfircoon ee kasoo jeeda Gobolka Awdal, isla-markaana Gacan-saarka la leh xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana Hadalkiisani imanayaa xilli maanta Halkaas uu gaadhay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment