Saturday, December 20, 2014

Madaxweynaha Kenya oo dhaqan-geliyey Xeerka la-dagaallanka Argaggixisada oo Xiisad ka abuuray Baarlamaanka & Walaaca Beesha Caalamka

Nairobi, 20 Dec, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Jimcihii Saxeexay Sharciga la-dagaallanka Argaggixisada iyo Xoojinta Ammaanka ee dalkiisa, waxaana Sharcigan oo Khamiistii laga ansixiyay Baarlamaanku, Xildhibaannada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka ah ka dhex abuuray maruan xooggan iyo dood adag oo gaadhay heer gacan-ka-hadal ah, balse waxay dawladdu ku guulaysatay in la ansixiyo Xeerkann oo walaac badan laga muujiyey saamaynta uu Muwaaddiniinta Kenya ku yeelan doono.
PARLIAMENT-CHAOSMudanayaasha Mucaaradka ah, ayaa ku doodaya in halis badani Xeerkan ku jirto, isla markaana uu caqabad iyo cabbudhin ku noqon karo Muwaaddiniinta reer Kenya iyo Xuquuqaha aasaasiga ah iyo Aadamaha-ba. Waxa murankaasi gaadhay gacan-ka-hadal in Waraaqaha ay daadiyaan Mudanayaasha Mucaaradku, isla markaana Shir-guddoonkana lagu tuuro Buugaag iyo Waraaqaha Nuqullada Xeerka. Hase-yeeshee, Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inaanu Xeerkani ahayn mid Xuquuqda dadka Kenya wax u dhimaya, waxaanu Bulshada u soo jeediyay inay akhriyaan qodobbada Xeerkan.
Markii Xildhibaannadu isku-fara-saareen meel-marinta Xeerkan, waxa Shir-guddoonku amray in Ciidammada ilaalada Baarlamaanku ay soo galaan gudaha, hoolka, isla markaana ay dibedda u saaraa Mudanayaasha Mucaaradka ee gacan-ka-hadalka waday, kuwaasoo dibedda u saaray Xildhibaannadaas. Waxanay Ciidammadu xidh-xidheen dad Shacab ah oo ka soo horjeeday hirgelinta Xeerkaas oo si ay ula socdaan go’aanka Mudanayaashu ka qaataan u yimi xarunta Baarlamaanka Kenya ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale, Xeerkan la-dagaallaka argaggixisada iyo adkaynta Amniga ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ansixiyay Jimcihii shalay, ayaa waajehaya eedaymo xooggan oo kaga imanaya Mucaaradka Kenya, Ururrada Xuquuqda Aadamaha iyo dalalka Reer Galbeedka-ba, kuwaasoo ku doodaya inuu jebinayo Xeerarka Kenya dhibna uu ku yahay Xorriyadda Saxaafadda iyo Xuquuqda Bulshada Kenya.
Xeerkan ayaa Xukumadda Awood u siinaya in wakhti badan Maxkamad la’aan lagu hayn karo dadka loo haysto tuhunnada falal argagixiso, iyadoo caddayn Maxkameed la’aanteed la hayn karo la-tuhunsanayaasha ku dhawaad sannad.
Waxa kale oo uu awood u siinayaa Xeerkani Hay’adaha Ammaanka ee dawladda in la dhegaysan karo Telefoonnada cidkasta oo la tuhunsan yahay. Xeerka ayaa sidoo kale cabbudhinaya Saxaafadda madaxa-bannaan, isla markaana xaddidaya ka warramidda arrimaha la xidhiidha dhibbaneyaasha tuhunno argaggixiso loogu xidho Xabsiyada dalkaas.
Bayaan ay wada-jir u soo saareen dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska, ayay kaga digeen Saamaynta Xeerkani uu yeelan doono, iyagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la dhawro shuruucda ammaanka xoojinaya ee tixgalinaya Xuquuqda Aadanaha, isla markaana u hoggaansan waajibaadka caalamiga ah.
“Ilaalinta Dastuurka Kenya, dhawritaanka Xuquuqda Madaniga ah iyo dimuqraadiyadda waxa ka mid yihiin Siyaabaha ugu habboon ama ugu wax-ku-oolsan ee ay dawladuhu u xoojin karaan ammaanka dalkooda.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Bayaakan ay wada-jirka u soo saareen dawladaha reer Yurub.
Ammaan-darrada ka taagan dalka Kenya iyo Weerarrada Kooxda Al-Shabaab ka geysato gudaha dalkaas oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya, ayaa soo dedejiyay Ansixinta Xeerkan, ka dib markii ammaan-darro xooggani soo waajahday Dadka reer Kenya tan iyo October 2011 oo ay ahaydkii ay Ciidammada Millateriga Kenya ka soo gudbeen Xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya, isla markaana soo galeen gudaha waddanka Soomaaliya oo ay dagaallo adag kula galeen Kooxda Al-Shabaab, welina ay ku sugan yihiin gobollada Jubbuunka ee Koonfurta Soomaaliya.
Al-Shabaab oo weerarro khasaare badan dhaliyey ka geysatay gudaha dalka Kenya, ayaa sheegay inaanay marnaba hakin doonin weerarrada ay ku hayaan Kenya oo ay ku tilmaameen kuwo aargoosi ah, isla markaana jawaab u ah duullaanka ay Ciidammada dawladda Kenya ku soo qaadeen dalka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen Masuuliyiinta Al-Shabaab.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment