“Arrin Siyaasadeed shaqo kumaannaan lahayn ee Guddi Horumarineed baannu ahayn. Mar keliya ayaa wixiba intay xagga kale isu rogeen, Annagoo ku dhex-jirna Bad Siyaasadeed aannu is-aragnay, Rag dhegta wax loogu soo sheegay..” Dr. Axmed Cabdi
“Guddigaa intii Siyaasadda ka badbaadday ayuun baa ka jirta maanta, intii kale way baabba’day, Askar ha is-qoraan ayaannu leenahay...” Suldaan Ibraahin SulubHargeysa, 18 Dec, 2014-(Himilo):- Xubno ka tirsan Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse, ayaa sheegay inaanay sharci ahaan iyo shaqo ahaan toona ulahayn ka hadalka iyo dhex-galka arrimo siyaasadeed maaddaama oo ay Guddi horumarineed yihiin, isla markaana waxay sheegeen inaanay waxba ka jirin Go’aanka ay Xubnaha Aqlabiyadda Guddigaasi Salaasadii soo saareen ee ay ku sheegeen inay ku kala saareen Musharrixiinta Beesha ee u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE dhammaysiga Siilaanyo ka dib, kuwaasoo kala ah Guddoomiyaha KULMIYE oo dhinac ah iyo Wasiirrada Maaliyadda iyo arrimaha dibedda oo dhinac ah.
Waxay Xubnahan oo shalay Shir Jaraa’id u qabtay Huteel Safari ee magaalada Hargeysa ay ku doodeen inay iyagu dibedda uga baxeen oo ay ka dareereen Shir ay Salaasadii isugu yimaaddeen Guddiga Horumarinta Beeshu, ka dib markii Xubno Guddiga ah oo ay ku eedeeyeen in Dhabarka laga soo taabtay isku khilaafeen go’aanka siyaasadeed ee ay markii dambe soo saareen, iyagoo sheegay in geesta dhibaatada iyo dhabar-taabashadu ka timi ahayn dhinaca labaa Wasiir ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, balse ay tahay geesta Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale, Xubno ka tirsan Salaaddiinta Beeshaas, ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay tahay sheegaQayb ka mid ah Guddida Horumarinta Sacad Muuse, ayaa ku gacan saydhay Go’aan shalay ka soo baxay Guddida oo lagu sheegay in Musharaxa Beesha ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadeed loo doortay Muuse Biixi.
Abshir Maxamed Warsame (Abshir-Xoodiye) oo ka mid ah Guddiga, kana hadlay shirkaas jaraa’id, waxa uu yidhi; “Intayadan iyo in kale oo naga maqaniba waxaannu nahay Guddigii Horumarinta Beesha Sacad Muuse ee Shirkii Hoodaale ee Agabbar lagu doortay, waxaannu doonaynaa inaannu ka hadalno khilaaf Guddiga soo waajahay. Runtii waxa na kulmiyey gaarna isugu soo raacnay waxaannu nahay nahay qayb ka biyo-diidday oo ka dareertay shirkii u dambeeyey ee aannu shalay (dorraad) ku lahayn Xaruntayada magaalada Hargeysa, ka dib markii Guddigayagii aannu ka dareennay Koox dhalinyar u badan oo dhabarka laga soo taabtay, mabda’ gaar ahna ka midaysnayd oo nagu jujuubaysay ama nagu riixayey waxaannaan xaq u lahayn, dulmina ku jiro oo aannu aad ugu caqli-celinnay, balse markaannu joojin kari waynay, waannu iskaga baxnay shirkaas, si aan. Markaa, waxay nala noqotay intaannu qalad geli lahayn ama magacayaga wax qalad ah lagu sawiro waannu iskaga dareernay, manaannaan codayn, cidna cod nooma diran.”
“Arrinta laga hadlayey oo ahayd arrin siyaasadeed nalooma diran, Annagu Guddi ahaan Guddiga Horumarinta Beesha ayaannu nahay, shaqadayadu siyaasad maaha, sidaa daraaddeed xaq uma lihin inaanu siyaasad ka hadalno. Weliba Shirkii Agabbar ee nalagu doortay aad baa naloogaga dardaarmay inaannaan siyaasad faraha la gelin, haddii kale aannu ku fashilmi doonno. Saddexda Siyaasi ee arrintooda laga hadlayey saddexduba beeshay u dhasheen, waa noo siman yihiin oo waa innamadii ma kala jeclin, laakiin noomay diran waxba oo na kala saara namay odhan, arrin noo gala namay odhan, haddii laga tegi waayo Muuse Biixi ayaa cid ka cabanayey, tusaale ahaan Samaale oo kale. Sidaa awgeed, ayaannaan Diin ahaan iyo Shaqo ahaan toona wax noo bannaan maaha.” Sidaa ayuu yidhi Abshir Maxamed Warsame (Abshir-Xoodiye) oo soo jeediyey in Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Beeshu soo dhex-galaan Khilaafka ka dhex-qarxay Guddiga horumarinta Sacad Muuse.
Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali oo isna ka hadlay arrintan ayaa tilmaamay in go’aanka lagu sheegay in Muuse Biixi Musharrax yahay aanu ahayn Mid Guddidu u dhan tahay, isla markaana lagu soo dhex tuuray; waxaanu yidhi; “Guddi ahaan arrinka la leeyahay Muuse Biixi ayaad codka siiseen mid annaga naga soo go’ay muu ahayn, laakiin wuxu ahaa arrin hoosta nalaga soo geliyey oo nalagu dhex tuuray, intayada halkan Fadhidaa iyo in kale oo maqan runtii arrinkaas lagu dhawaaqay waxaan u arkaynay mid fool-xun, wax kalsooni ah oo ay saddexda Masuul soo bandhigeenna ma jirin, waana wax cid waliba ka xumaatay sida loo maamulay.”
Dr. Axmed Cabdi oo isagunan ka mid ahaa Xubnahaa Guddiga horumarinta Beesha ka tirsan ee Shirkan Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in markii ay arkeen sida hawshu u socoto iyo in qaar ka tirsan dhabarka la taabtay oo ay ka baydheen dhaartii la mariyey, waxa uu yidhi; “Hawshayada waa la sheegay, way caddayd, may ahayn mid qarsoon, hawshayadu waxay ahayd hawl horumarineed, hawl siyaasadeed may ahayn, may ahayn hebel iyo hebel baad kala saari kartaan, dadka maxaad u qaban kartaan bay ahayd, taannu is-weydiinaynay markastaba taasay ahayd. Ma garanayno meel ay ka timi, ma garanayno cid keentay, ma garanayno goor ay bilaabantay, ma garanayno wax innagu waajahan immika oo aynu nidhaahno waa doorasho! Mar keliya ayaa wixiba intay xagga kale isu rogeen, Annagoo ku dhex-jirna Bad Siyaasadeed ayaannu is-aragnay, manaannaan rabin, cid jeclaydna ma jirin.”
Dr. Axmed Cabdi waxa uu sheegay in Rag Guddigooda ka tirsan dhegta wax loo soo saaray oo laga faa’iidaystay, waxaanu yidhi; “Laakiin, Rag baa watay, Rag dhegta loo soo saaray oo Dhalinyaro u badan oo naga badan baa jiray, Rag weliba Kitaab maray oo gacanta saaray anigu ma garanayo dhinac ay ka martay dhaartaasi.” Waxa uu soo jeediyey Dr. Axmed in haddii la doonayo wada-jir iyo wanaag ay go’aanka Xubnaha Guddiga ka tirsanaa soo saareen ay Cafis ka keenaan xubnaha ku dhawaaqay, isla markaana Wax-garadka Beeshu isu yimaaddaan oo ay wax ka qabtaan khilaafka hadda ka dhex-taagan.
Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga waxa uu sheegay inuu Guddigoodaas ku dhex-arkay wax ka yaabiyey, waxaanu yidhi; “Dhawaan baan Ingiriiska ka soo noqday, haddii aan soo noqdayna wax iga yaabiyey baan Guddigii ku arkay, saddex nin oo ii siman oo aannu ilmaadeer nahay, dalka waxay ula mid yihiin ummadda kae, hadday mustaqbalka dalka madax ka noqonayaanna midna sas aan ka qabaa ma jiro sida aanan mid kalena sas uga qabin, waxa la yidhi siyaasad baa laga hadlayaa, markaa Guddigii dib baan uga fadhiistay.”
“Koox Guddiga ka mid ah ayaa Barnaamijkan wadday. Waxaan idiin sheegayaa Qodobka koowaad Guddi inta ay shirtay oo tidhi arrin siyaasadeed maka hadalnaa oo raggaa ma dhex-galnaa oo Guddiga dhexdeeda ka yimi ma jiro. Qodobkaas iyo arrinkaasi dibedda ayuu nagaga yimi, nin weyn baan ahayoo ku sii joogjoogsan maayo. Ciddii uu nagaga yimi markii la ii sheegay aniga iyo Rag Guddiga ka mid ahi waannu u tagnay, waxaannu nidhi waar horumarin baannu ahayne ka daaya yeynaan burburine, Sharci noo fasaxayaana ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.
Waxaanu sheegay in Muuse Biixi cabanayey, hase-yeeshee, labada Wasiir ay hore ugu sheegeen in meesha lagu kala saari karo iyo cidda kala saari kartaa aanay ahayn Guddiga horumarinta Beesha oo ay ku doodeen inaanay Siyaasad shaqo ku lahayn. Xubno kale oo ka tirsanaa Xubnaha Guddiga Horumarinta Beesha oo shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa iyaguna sidoo kale u muujiyey waxa dhacay, kuwaasoo ku baaqay inay beeshu isaga timaaddo wax-ka-qabashada khilaafka Guddigaas iyo arrinta siyaasadeed ee lagu soo dhex-tuuray-ba, go’aanna ka qaataan.
Geesta kale, qaar ka tirsan Salaaddiinta Beesha Sacad Muuse oo isla shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa arrin fool-xun ku timaamay go’aanka ay qayb ka mid ah Guddiga Horumarinta Beeshu sheegeen inay ku kala saareen saddexda Siyaasi ee Musharraxnimada Madaxweynaha KULMIYE u sharraxan Madaxweyne Siilaanyo marka uu dhammaysto ka dib.
Suldaan Ibraahin Sulub oo ugu horreyn ka hadlay shirkooda jaraa’id waxa uu yidhi; “Guddi aannu u doorannay inay ka shaqeeyaan horumarinta reerka oo la yidhaahdo Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse, umaannaan diran inay noqdaan Guddiga ka shaqaynta siyaasadda, intii ka badbaadday ayuun baa ka jirta maanta, intii kale way baabba’day, Askar ha is-qoraan ayaannu leenahay. Guddigaas Agabbar lagu doortay way kala baxeen, Ragna wixii loo diray bay yidhaahdeen aynu ka shaqayno, qolana waxay tidhi ka shaqayn mayne ee aynu ka shaqayno siyaasadda reerka, noqon maysaan baannu leenahay.”
Suldaan Axmed Nuur Samaale, ayaa isaguna ka mid ahaa Salaaddiintii Shir-Saxaafadeedkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Guddiga Shirkii Hoodaale ee Agabbar waxa loo doortay waxay ahayd horumar, Siyaasad may ahayn waxa loo doortay, waana laga mabnuucay Siyaasad inay galaan, maantana waxay galeen Siyaasad, halkaa waxaan leeyahay wixii loo diray maaha, wixii la arki jirayna maaha, waxaanan leeyahay Sumxaan-Allaah. Marka labaadna Illaahay Xuma ka nasahan baan leeyahayoo Salaaddiinta tidhi waannu taageernay arrinkaas aan meesha oollin ee aan Guddiga shaqadoodii ahayn, Sumxaan-Allaah baan leeyahay.”
Suldaan 3 “Guddigan toddobada boqol iyo dheeraadka lagu doortay waxa loo doortay inaanay siyaasad galin ee ay ka shaqayso dan guud iyo horummar inay ka shaqayso ee Siyaasad looma dooran, cidda wanaagga ka shaqaysay ee Aqalka Dahabka ah u dhistayna wanaaggeeda sideedii ha ugu waddo ayaannu leenahay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment