Boorama, 20 Dec, 2014-(Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaga iyo Masuuliyiin dawladda ka tirsani ku sugan yihiin magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal tan iyo Khamiistii, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay illaa xalay kulammo kala duwan oo Albaabbadu u xidhan yihiin la yeeshay Madaxda Dhaqanka iyo Ganacsatada reer Awdal, kuwaasoo kulammadooda oo saacado qaatay la sheegay inay si adag ugaga doodeen xallinta dhaqdhaqaaqa Somaliland ka dhanka ah ee uu bilaabay Sudaan Wabar, wax-ka-qabashada Tabashada keentay dhaqdhaqaaqiisa iyo qodobbo kale.


Kulanka dhex-maray Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Ganacsatada Awdal oo albaabbadu u xidhnaayeen, isla markaana ka qabsoomay Guriga uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku leeyahay ama ka degganaan jiray Boorama, ayaan loo oggolaan inay Weriyeyaashu ka qaybgalaan, hase-ahaatee, sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal u ahaa kulankaas, ayaa waxa uu Cabdiraxmaan-Saylici kala hadlay Ganacsatada inay dawladda kala shaqeeyaan horumarinta nabadgelyada, adeegyada bulshada, dejinta xaaladda xilligan ka taagan Awdal, muujinta waddaniyadda iyo midnimada Shacabka gobolka iyo guud ahaan reer Somaliland-ba.
Waxa la sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku Xubnaha Ganacsatada uu la kulmay ku tusaaleeyey inay reer Awdal ku suntan yihiin Somaliland, Somalilandna ay ku suntan tahay Awdal, maaddaama oo halkii dawladnimada Somaliland salka loogu dhigay tahay xarunta Awdal ee Boorama, Ninka Sameeyey Heesta calanka Somaliland uu reer Awdal yahay, cidda samaysay Calanka laftiisa reer Awdal yihiin. Sidaa awgeedna waxa la sheegay inuu u soo jeediyey Saylici Ganacsatadu inay daacad u noqdaan Somaliland-nimada, waddaniyadda, ilaalinta nabadgelyada, midaynta shacabka iyo la shaqaynta dawladda.
Ila-wareedyada Wargeyska Himilo ka helay xogta kulankaas ku saabsan, ayaa tibaaxay inkasta oo dood adagi dhex-martay Ganacsatada iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, isla markaana ay u iftiimiyeen gal-daloolooyin badan oo daboolid ama furayn uga baahan dawladda oo Awdal ka jira iyo sida aanay Xukuumaddu waxba uga qaban illaa hadda tabashooyinka Madaxda dhaqanka Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha illaa laba bilood ka hor, haddana waxay markii dambe Saylici ka aqbaleen in dhinac looga soo wada jeesto ciddii nabadgelyada iyo midnimada Shacabka reer Awdal iyo guud ahaanba Somaliland wax yeelaya, sida ay tibaaxeen wararka aannu ka helnay magaalada Boorama.
Warku waxa uu intaas ku daray inay sidan iyo si ka sii adag u wadahadleen dhinaca Madaxweynaha iyo Salaaddiinta reer Awdal oo iyaguna xalay kulankan oo kale oo albaabbadu u xidhnaayeen ku yeeshay isla gurigaas magaalada Boorama, waxa la sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Salaaddiintu dood adag jilbaha isu dhigeen, isla markaana xaaladda hadda taagan, waxa keenay iyo wax-ka-qabashadeeda aad uga doodeen.
Geesta kale, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta la socdaaba waxay Salaaddii Jimce shalay la tukadeen dadweynaha reer Boorama oo ay kula tukadeen Masaajidka Abu-Hurayra oo ku yaalla badhtamaha magaaladaas, waxaanu markii salaadda la tukaday ka dib Madaweyne Ku-xigeenku hadal u jeediyey dadweynaha ay wada-tukadeen iyo qaybaha kale ee bulshada oo uu farriin u diray.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici hadalka uu dadweynaha reer Boorama ee ay Salaaddii Jimce ee shalay la tukadeen, waxa ka mid ahaa oo uu yidhi; “Waxaa ii farxad ah inaan maanta (Shalay) idinkula tukkado Masaajidkan aadka u ballaadhan (Abu-Hurayra) ee ku yaalla Boorama oo aan ka mid ahay dadkii ka qayb-qaatay aasaaskiisa, waxa kale oo ii farxad ah sida wayn ee loo oogay Salaadda oo ku tusaysa sida dadka reer Boorama gaar ahaan Dhalinyaradu ugu wanaagsan yihiin ku dhaqanka Diinta. Diinteennu waa Islaam, Islaamkuna waxa uu ammaanay wanaagga oo ay ku jirto ilaalinta nabadgelyada iyo amnigu.”
“Waxaan idinku dardaarayaa inaad ka qayb-qaadataan amniga ilaalintiisa oo aan ka wada-shaqayno, sababta oo ah nabadgelyadu waa aasaaska nolosha, waa aasaaska horumarka, nabadgeyo la’aanteed Salaad maynaan wada tukanneen, mana suuragaleen horumarka ballaadhan ee maanta dalkeenna ka socdaa. Sidaa awgeed, waa inaynu nabadgelyada adkeynteeda iyo ilaalinteeda-ba ka wada shaqaynaa dawlad iyo Shicib-ba.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cadiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment