Thursday, December 18, 2014

Maraykanka Iyo Cuba Oo Boodhka Ka Jafaya Xiidhiidhkooda In Kabadan Nus-qarni Kadib

Washington:Dec,18,2014(Himilo)-Dalalka Maraykanka iyo Cuba, ayaa Go’aansaday inay dib boodhka uga jafaan xidhiidhkooda diblomaasiyadeed oo muddo nusqarni ka badan kala maqnaa.

casrLabada madaxweyne ee Obama iyo Raul, ayaa si wadajira ah u sheegay inay dhawaan Bilaabi doonaan Wada Hadallo lagu hagaajinayo xidhiidhka Labada dal oo aanu xidhiidhkoodu muddo badan wanaagsanayn.

Madaxwayne Obama ayaa ku tilmaamay siyaasadda cusub ee Cuba isbadalka ugu muhiimsan ee in ka badan muddo konton sano ah.

Labada hogaamiye ayaa wadahadlay maalintii Salaasada, waxayna isku raaceen dhowr tallaabo oo ay ku jiraan iswaydaarsiga maxaabiista siyaasadeed iyo dabcinta safarka iyo xayiraadaha ganacsi.

Madaxwayne Castro ayaa ku dhiirigaliyay xukuumadda Washington in ay qaaddo cunaqabatayn ganacsi iyo dhaqaale oo muddo dheer ka hor lagu soo rogay jasiiradda nidaamka siyaasadeed ee shuuciyadda lagu maamulayay.

Madaxwayne Obama ayaa ugu baaqay golaha Congress-ka dalkiisa in ay eegaan xidhiidhkan, isagoo sheegay in siyaasadda Maraykanka ee go'doominta Cuba ay sida cad guuldaraysatay.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment