Saturday, December 20, 2014

Kurdiyiinta oo sheegay inay dagaal qadhaadh ka dib jid u fureen Kumannaan qof oo Daacish ku gedoomisay Buurta Sinjar

Sinjar, 20 Dec, 2014-(Himilo)- Xooggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallamaya Waqooyiga dalka Ciraaq, ayaa sheegay in ay guul weyn ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan Kooxda la baxday dawladda Khilaafada Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish, isla markaana ay jebiyeen gedoomin lagu hayey.
dc534746bedee5e46525ddac13eb6aef_LKurdiyiinta ayaa sheegay in ay jabiyeen go'doomin ay dagaalyahannada Daacish ku hayeen Buurta Sinjar ee ku taalla Ciraaq, halkaasoo tan iyo bishii August ee sannadkan dhammaanaya ee 2014-ka ay ku dhuumanayaan Kumannaan qof oo isugu jira Qowmiyada Yazidiga iyo Ciraaqiyiin kale.
Duullaanka, ayaa bilowday saacadihii hore ee Arbacada, waxaana diyaaradaha Xulafadu ay dusha ka garaaceen fadhiisimmo ay xooggaga Daacish deegaankaasi ku leeyihiin. 45 duqeymood oo Cirka ah ayaa Arbacadii oo keliya lala beegsaday fadhiisimmada xooggaga Daacish ee ku dhaw Buurta Sinjar.
Duqeynta ka dib Xooggaga Kurdiyiinta ee Peshmerga loo yaqaano, tiradooduna ay gaadheyso 8,000 ayaa deegaanka weerar dhulka ah ku qaaday, waxaanay wax ka yar 48 Saacadood ka dib ay sheegeen in ay guuleysteen.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Kurdiyiinta, ayaa lagu sheegay in duullaankan ay ku qabsadeen dhul masaafadiisu gaadheyso 700 oo KM isku wareeg ah, isla markaana ay dhabbo u fureen Kumannaan qof oo dadka Yaziga ah oo ku xayirnaa dusha Buurta Sinjar.
Sidoo kale, War-Saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannada Daacish ee deegaanka ku sugnaa, ay u baxsadeen soohdinta dalka Suuriya iyo magaalada Mosul oo ay qabsadeen bishii June.
Haddii ay dhab noqoto guusha ay sheegteen Kurdiyiinta, waxa ay noqoneysaa billow wanaagsan. Balse Daacish ayaa weli gacanta ku haysa dhul ballaadhan, oo xitaa magaalada Sinjar ee dhanka Koonfureed kaga beegan Buurta ay ka mid tahay, taasoo ay weli Daacish ka taliso oo ay gacanta ku hayso.
Hase-yeeshee, dadka ka faallooda heerka awoodeed ee Kooxda Khilaafada Islaamiga ah la baxday ee Daacish, ayaa sheegaya inay adag tahay in Daacish laga qabsado deegaannadaas, iyagoo xusay inaanay Kurdiyiintu diyaar u ahayn inay keligood isku biimeeyaan inay u jilib-dhigaan awoodda badan ee ISIS, inkasta oo ay dagaalkan ay sheegeen inay ku qabsadeen deegaannada Buurta Sinjar dhinaca Cirka ka caawinayeen Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Xulufadiisu. Haddana xataa waxay biime ku tilmaameen in Kurdiyiinta oo keliya lagu eego dhinaca dhulka inay kala dagaallamaan Daacish inaanay ahayn arrin sahlan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment