Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii Baarlamaanka dalku u doortay Madaxweynaha illaa 2016-da hoggaamin doona Soomaaliya 10-kii September 2012-kii lagu xaman jiray inuu yahay nin jilicsan oo aan go’aan-qaadashada ku fiicnayn, ayay arrintaasi hadda u muuqataa mid ku caddaatay, isagoo la filayo Raysal-wasaarihii saddexaad ee uu magacaabo inta uu xilka hayey u magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif ka noqday mar Raysal-wasaare.
Hase-yeeshee, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa markii uu muddo Raysal-wasaare ka ahaa Xukuumaddii Ku-meel-gaadhka ahayd ee dawladdii tan hadda ka horreysay ee Sheekh Shariif Axmed Madaxweynaha ka ahaa 2009-kii, ayaa muddadaas uu xilka hayey ku sifoobay Musuqmaasuq gaadhay heer uu Badda iibiyo, Maamul-xumo, nin jeclaysi iyo qabyaalad, taasoo keentay 2010-ka intii lagu guda-jiray in khilaaf qodobbadaas ka dhashay soo kala dhex-galay Madaxwyenihii magacaabay ee Sheekh Shariif, ka dibna waxay gaadhay in Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD iyo weliba dawladaha Beesha caalamka ee sida dhaw ula shaqeeya ama u fara-geliya siyaasadda Soomaalidu ay ku qasbaan inuu is-casilo, isla markaana wuu aqbalay oo uu is-casilay, ayaa soo gaadhay Muqdisho Salaasada maanta.Cumar Cabdirashiid ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabayo Raysal-wasaare, ugana yeedhay dalka Maraykanka oo uu Safiir uga ahaa Soomaaliya, isla markaana deggan yahay, ayey ka niyad-jabeen dad badan oo u xiiso qabay Ruuxa uu noqon doono qofka uu Madaxweyne Xasan Sheekh u soo magacaabi doono Raysal-wasaaraha ka dib markii dhawaan inta ay is-khilaafeen Raysal-wasaaraha shaqada ka tegaya ee Cabdiweli Sheekh Axmed ay Baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddiisa shaqada ka sii tegaysa.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo boqollaal jeer intii uu jagada Madaxweynaha u sharraxnaa iyo intii uu xilka hayey-ba ballan-qaaday inuu Soomaaliya ka dhalin doono inta uu joogo is-beddel dhab ah oo muuqda, nabadgelyo, horumar, midnimo, wada-jir iyo inuu xilka ku wareejiyo doorasho Shacabku ku soo xulan doonaan cidda hoggaaminaysa ee isaga ka dambaysa.
Hase-yeeshee, waxay dad badan oo Soomaaliyeed inkasta oo aanu weli Madaxweynuhu Raysal-wasaare magacaabin, haddana markii la maqlay hadal-haynta magacaabista Cumar Cabdirashiid u arkeen hal-bacaad lagu lisay ballan-qaadyadii Madaxweynaha ee is-beddelka iyo horumarka.
Waxay dad badani aamminsan yihiin marka loo eego aaraaha iyo aragtiyaha ay ka bixinayaan in Cumar Cabdirashiid oo hore ugu guul-darraystay sii haynta wakhti badan xilka hadda loo wado, isla markaana dawladdii tan ka horraysay iyo beesha caalamka oo isu dhami-ba isku raaceen inaanu sii hoggaamin Karin Xukuumadda uu Raysal-wasaarhaa ka ahaa ee Soomaaliya, ka dib lagu qasbay inuu si dhuuban xilka uga dego intaan codka kalsoonida loo qaadin, isna uu aqbalay, aanay jirin wax muuqda oo uu maanta ku soo kordhin karo Soomaaliya ama-ba aanay rejo buuran ka qabin ummadda Soomaaliyeed.
Cumar Cabdirashiid, waxaa dhalay Allaah Madaxweynihii Soomaaliya ee la dilay 1969-kii ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo taariikh fiican ku dhex-lahaa ummadda Soomaaliyeed, isla markaana hoggaamin fiican, toosnaan iyo daacadnimo waddaniyadeed ama Soomaalinnimo inuu lahaa ay taariikhda ugu jirto. Balse, waxay dadka isu yaqaanna Cumar iyo Allaah ha u naxariistee Aabbihii Cabdirashiid aad u kala duwan yihiin marka loo eego dhinaca waddaniyadda, daacadnimada, u sinnaanta Soomaalida, habka hoggaaminta, Siyaasadda iyo go’aan-qaadashada intaba.
Garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee Caasimadda Muqdisho, ayuu gelinkii hore ee Salaasada ka soo degay Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo aan weli iska casilin Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, waxaana soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin kale. Cumar Cabdirashiid ayaa gelinkii hore ee Salaasada shalay ka soo dhoofay magaalada Naiorbi ee xarunta dalka Kenya oo ay diyaarad gaar ahi ka soo qaadday sida la sheegay, kaasoo maalin ka hor soo ambabaxay waddanka Maraykanka ee uu Safiirka ka ahaa, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Xasan Sheekh halkaas uga yeedhay si uu ugu magacaabo Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee beddeli doona Raysal-wasaaraha dhawaan kalsoonida ay Baarlamaanku kala noqdeen ee Cabdiweli Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fashilaad uun ka korodhsan doona magacaabista Cumar Cabdirashiid maaddaama oo isaga ka hor-ba looga waayey hoggaamin toosan iyo hannaan maamul oo lagu wada qanci karo sida ay dad badan oo Soomaaliyeed iyo Xeel-dheerayaal falanqeeya ama oddorosa xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya aamminsan yihiin ama ay qabaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddaystay macangagnimo, qallafsanaan, tanaasul la’aan iyo hoggaamin-xumo, maaddaama oo tan iyo 10-ka bishii Sagaalaad ee sannadkii 2012-kii markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya uu meesha ka saaray laba Raysal-wasaare oo kala ahaa Cabdifaarax Shirdoon (Saacid) iyo Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo labadooduba isku beel ka soo jeeday.
Halka Raysal-wasaaraha hadda magacaabistiisa looga fadhiyaa noqon doono kii saddexaad ee uu soo xulo, waloow aan la garan Karin halka ama meesha ay isla gaadhi doonaan, maaddaama Xasan Sheekh labadaa Raysal-wasaare ee hore-ba ay is-khilaafeen, isla markaana uu soo is-taagay mid walba in codka kalsoonida loo qaado oo la eryo oo uu mid walba Lacag badan ku kharash-gareeyey in Baarlamaanku kalsoonida kala noqdaan. Waxaana la dhawrayaa in uu xulashada Cumar Cabdirashiid ku adkaysto Xasan Sheekh iyo inay wax iska beddelaan, taasoo caddaanaysa marka uu ku dhawaaqo Magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee noqonaya Raysal-wasaarihii saddexaad ee uu magacaabo inta uu xilka hayey Xasan Sheekh, sidoo kalena noqonaya Raysal-wasaarihii 14-aad ee ay Soomaaliya yeelato wixii ka dambeeyey dawladdii dhexe ee Millateriga ahayd ee burburtay 1991-kii.
Waxaana Mugdi iyo Madaw badani hadhayn doonaa rejada inta badan Shacabka Soomaaliya ka qabeen hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddii uu magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay hore badi ugu soo hungowday Soomaaliya oo Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo ugu suntan in badan oo ka tirsan Shacabka Soomaaliya ee warkiisa iyo siduu ku tegay sida dhaw ula socday markii laga dejinayey xilka Raysal-wasaarennimo ee Xukuumaddii Ku-meel-gaarka ahayd ee Federaalka Soomaaliya.
Xigasho Aftahannews.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment